Maamulka Hotel Nogob Garden oo Munaasabad Lagu Xusay Sanadka Cusub ee 2014

Maamulka Hotel Nogob oo ka mida Qurbajoogta Deegaanka ee Dalka maalgashaday ayaa Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu xusayay Sanadka Cusub ee Gregorian Calenderka Sanadka Cusub ee 2014 Balse Dalka Itoobiya Waxay Bishii 4aad kaga Jirtaa Sanadkeedii Cusbaa ee 2006.

Munaasabada Soo Dhawaynta Sanadka Cusub ayaa Waxaa ay ahaayeen Dadka ugu Badan ee kaarka lagu Galayay iibsaday Dadka Qurbajoogta ah ee ka kala Yimid wadamada Dbada kuwaasoo Xiiso Gaara u Qabay Munaasabadan Kolay waa tab uu isba tabayay Maamulka Hotelka ee Soo agaasimay Qabsoomida Xafladan lagu Sagootinayay sanadkii Hore ee 2013 laguna Soo Dhawaynayay Sanadka Cusub ee 2014.

Fanaaniinta Caanka ah ayaa Iyaguna Wacdaro ka muujiyay Sida Fanaanada Caanka ah Nimco Wadani(Dareen),Cali Dhaanto,Dirgax iyo Kooxaha Fanka.