Deg-Deg:-UBBO oo Midideedii Uus Ku Jabtay,Kuwo Indhaha Loo Shiday iyo Suldaan Xukun Iyo oo

Nogob (CakaaraNews) Jimce Jan,03,2014.Waxaa marag ma doona in ay Halyeeyada Geesiyiinta ah ee Ciidanka Gaarka ah(Liyuu-Police) in ay kaga Dhabeeyeen Wacadkii ay Ku Mareen in UBBO ay gabi ahaanba ka sifayn Doonaan Dalka Waysadana u Dhaansadeen Cidhibtirka UBBO oo Caqabad ku ahayd tabaha horumarka Deegaanka iyo Nolosha shacabweynaha Deegaankaba.Waana ta sababtay in Sanadihii ugu danbeeyay ay Xukuumada DDSI iyo shacbkuba ku Mashquulaan Taabogalinta Horumarka Baaxada wayn ee ka hanaqaaday Guud ahaan Deegaanka.

Shaki kuma Jiro in Xukuumada iyo Qaybaha Shacabka Deegaanka Taladii ay Gorfayn ka Dib ku go'aansadeen Yag-leelida Ciidanka gaarka ah ee Liyuupolice in ay Midhaheedii la wada Guranayo UBBOna ay Xisaabteedii soo xidheen oo ay Cudud ahaan iyo Fikir ahaan ka Tirtireen Deegaanka Soomaalida Itoobiya si Waadix ahna loogu kanshaystay Horumar iyo kor u Qaadida Nolosha Bulshada DDSI waana Daliil cad oo lawada Dheehan karo iyadoona 3dii-Koran ee Dibadaha mala-awaalka iyo Riyo Beenaadka ku hafin Jiray Qurbajoogta iyo Maatida ay ku Gudhay ka Ganacsiga Dhiiga shacabka.

Dhanka kale waxaa si isdabajoog ah ugu soo Qulqulaya intii ka danbaysay Hidar 29 DDSI Dhalinyardii ay Hore UBBO u Mukhuursiisay Mala-awaalkeedii Balse Ka Dib garwaaqsaday Tubta Nabada iyo Horumarka kuwaasoo kaga Dhabeeyay balanqaadkii ay Media-ha Shacabweynaha Deegaanka ugaga balanqaadeen in ay Mudo gaaban ku soo asturi doonaan Inta naf-lacaariga UBBO-da ah ee ku ugaadhawday Qorofyada, islamarkaana Si isdabajoog ah hawlgalo sifayn ah saf balaadhan ugu Qaaday Gabiyadii ay Hoos kuududeen ugaadh u ekayaashii Naf lacaariga ahaa ee UBBO iyagoona Maanta Indhaha ugu Shiday Hinsaraar oo ka tirsan Degmada sagag raxan UBBO ah oo ay ka mid ahaayeen Cabdi Qootaali oo Taliye-Urur Riyo-beenaadka UBBO ahaa,Bashiir Cali Biixi,Maxamed Ilka-cade,Kaamil Maxamed Sayid,Maxamed Casoowe,Muxumed Dhuub iyo Mustafe Haybe oo jaan iyo Cidhib meel uu Dhigay ay Halyeeyada Liyuu-police ku raad joogaan,Halka Suldaan Xukun oo ahaa Taliye-Urur Beenaadka iyo Taarkii ay wateenba Gacanta lagu soo Dhigay.

Sidoo kale Dhalinyarada Qaadatay Nabada ee jibaaxaysa Qorofyadii ay halalka UBBO ku ogaayeen ayaa Ciidanka Geesiyiinta Liyuu-police u gadhqaaday Hogag ay Hub ku sii xaseeyeen UBBO-dii Naftooda ula baxsatay Kenya.Hogagaas oo ku yaalay Dalala oo ka trsan San-xaskule lagana soo Qufay Hub,Saanad iyo Documeti Badan oo ay ku jiraan Cadaymo sheegaya Qaar ka mid ahaa Masuuliyiinta UBBO oo Waa Hore Wafaaday balse aanu Dib idiinka soo sheegi doono.Gadoodkanina Waa ta Dhaxalsiisay in UBBO Midideedii uus Ku Jabto.

Guushii Taariikhiga ahayd ee Hidar 29 iyo Imtixaankii 20 sano ka dib ay ku Dhacday UBBO.

Waxaa Hubaala in Xuskii Hidar-29 ay Guul taariikhi ah u ahayd Shacabweynaha DDSI ee ku Dhaqan Dalka iyo Dibadaba Munaasabadii Dhaxal-galka ahayd una Askumtay Qowmiyada Soomaalida ItoobiyaTaariikh aan Duugoobayn iyo Maamuus-Sharafeed oo lagaga Tixgaliyo Dalka Itoobiya taasooy u aayi Doonaan Jiilalka Soo Koraya Walow ay UBBO-na u ahayd Taariikh Madow oo ay 20 sano ka dib ku dhacday ka dib markii ay Beenawday Riyo-beenaadkii Dhalaan ka Cabsiiska ahayd ee ay 3da Koran Dibadaha la dhex-meeri jiren Cutubyo aan Sal iyo Raadtoona lahayn ayaa gayiga noo Jooga ka dib markii ay Waxarna ka Dhiijin kari waayeen Kuna Cadaatay in ay Yihiin "Arday Damiin ah oo Marka Deel Loo Yeedhiyo MIIM afka Saaray".

Isku Soo Wada Duuboo UBBO oo aynan Cidna Dib Danbe Dheg Jalaq ugu siinayn Faylkeediina Halkaa lagu soo Gunaanaday,iyadoona loo Gole-baneeyay 3dii Koran oo ay uga Socon wyday Daka iyo Dibadahaba Mala-awaalkii iyo Riyo-beenaadkii ay Caruurtooda Sabana Qaar ku Quudn jireen.