Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Warshadaha DDSI Ayaa u Qabtay Shir Lagu dardargalinayo Adeeg-bixinta Bankiyada Dhanka Horumarka.

Jigjiga(CakaaraNews) Sabti jan04,2014. Waxaa ka Dhacay Magaalada Jigjiga Kulan Balaadhan Oo Uu Hogaaminayey Wasiirku Xigeenka Xafiiska Horumarinta Magalooyinka iyo Warshadaha DDSI Mudane: Axmed Shugri Cabdi,islamarkaana ay Ka Soo Qaybgaleen Masuliyiin Ayka Mid Ahayeen Wasiirka Xafiiska Ganacsiga Iyo Gadiidka DDSI Mudane: C/Laahi Yuusuf , Mareeyaha Wakaalada Horumarinta Shirkadaha Yaryar DDSI Mudane: Cabdi Bile Iyo Masuliyiin Ka Socotay Wakaalada Dhismaha Liyuu Police Iyo Masuliyiin Kala Duwan Oo Ka Socotay Bangiyada Dawliga Ah Iyo Kuwa Aan Dawliga Ahayn Ee Ku Yaala Magaalada Jigjiga.

Kulankan Xasaasiga ah ayaa ay Ujeedada ugu Wayn ee ay Xukuumada DDSI ka lahayd ahaa Sidii Laamaha Qaabdhismeedyada Dawlada iyo Bankiyadu wadair uga Munaaqashoon lahaayeen Doorka Bankiyada kaga aadan hawlaha Horumarka Deegaanka ka socda ay kaalin Muhiima uga Qaadan lahaayeen si looga Midho dhaliyo Qorshayaasha Kobaca Dhaqaale ee shanta Sano la hiigsanayo (5yrs Growth Ad Transformaion Plan) Sidoo kalana Dhanka kaydsiga lacagaha Bulshadu Dhigato Bankiyada. Kulankan ayaa uu ugu horayn Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka iyo Warshadaha Mudane Axmed Shukri Cabdi uu Sharax ka bixiyay Qorshayaasha Xukuumada DDSI ay u dejisay Deegaanka sidii Kor loogu soo Qaadi lahaa Kobaca Dhaqaale,Nolosha Shacabka Deegaanka,Shaqo Abuurka,Maamulka Suuban,Taabogalinta Adeegyada aasaasiga u ah Bulshada iyo Joogtaynta Horumar Baaxad wayn oo Si xawli ah Deegaanka Soomaalida Itoobiya laga Hirgaliyo.

Mudane Axmed Shukri ayaa tibaaxay Waxqabadka laga doonayo Dhamaanba laamaha Dawlada in uu Yahay mid ku salaysan kana Turjumaya Qorshaha Waxqabadka Xukuumada DDSI,islamarkaana laga Doonayo Bankiyada Dawliga ah iyo Kuwa Wadaaga Saamiyada ahba looga baahan yahay iyo Door Muhiima ka qaataan Horumarka Deegaanka ka socda iyo kabida Dhaqaalaha Bulshada Deegaanka si kor loogu soo Qaado Nolosha Shacabka. Intaasi Kadib Ayaa Masuliyiintii Kasoo Qaybgashay Ay Isku Weydaarsadeen Fikradaha Iyo Aragtiyaha Kala Duwan Ee Bangiyada Dawliga Iyo Kuwa Aan Dawliga Ahayn U Sahli Kara In Ay Kaga Qaybqataan Horumarka Degaanka Iyo Kabida lacageed ee ay Bankiyadu Sida Bankiga Horumarintu siiyaan Bulshada Degaanka

Gabagabadii Kulankaasi ayaa uu Wariyaha CakaaraNews Cabdi Ciise uu Waxka Weydiiyey Qaar ka mida Masuliyiinta Bangiyada Kasoo Qaybgalay Shirkan Aragtidooda ku aadan ka Qaybqaadashada Dhinaca Horumarka,Amaaha Bulshada la siiyo iyo Adeegyada Dhigaalka ay Shacabka siiyaan,iyagoona Sheegay in ay diyaar u yihiin hadba Awaamiiraha Qaanuniga ah ee ay Xukuumadu siiso Diyaarna u yihiin in ay kaalin libaaxeed ka qaadan doonaan Horumarka Degaanka Somalida Itoobiya Islamarkaana Ay Fursadaha Bangiyada Kala Duwan Ay Hayaan Uga Faideyaan Bulsha Weynta Degaanka .

Kulankan Lagaga Wada Hadlayay Sida Bangiyada Dawliga Ah Iyo Kuwa Aan Dawliga Ahayn Ay Kaalin Libaax Uga Qaadan Lahayeen Horumarka Degaanka Somalida Itoobiya Iyo Sdii Ay U Dhiiri Gelin Lahayeen Bulshada Degaanka Keydsiga Iyo Sameynta Maalgashiyo Kala Duwan ayaa lagu Balamay in Si joogto ah loo sii ambaqaado kulamo Noocan oo kale ah.