Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Dhismaha Qaybta Qaliinka Isbitaalka Dh/buur oo ay Ku Baxday Aduun Lacageed 3 Milyan oo Maanta Xadhiga Laga Jaray.

Dh/buur(CakaaraNews) Sabti Jan04,2014. Xafiiska Caafimaadka Ee DDSI Ayaa Balaadhin Dhinaca Dhismaha iyo Tayaynta Adeegbixinta Caafimaadka ku soo Kordhiyay Waaxo Cusub Oo Dhinaca Qaliinka ah Cusbitaalka Magalada Dhagaxbuur iyadoona Dhismaha Cusub ee Dhinaca qaliinka ah ee Lagu kordhiyay Ibsbitaalka Magaalada Dh/buur uu ka kooban yahay Qaybo farabadan oo Hab casri ah loo dhisay,islamarkaana loo dhamaystiray Dhamaaba Qalabkii looguTalogalay in loo AdeegsadoQaliinka taasoo loogu talogalay Bukaanka Gobolka Jarar iyo Nawaaxigisa.

Munaasabadii Furitaanka Xadhiga lagaga jarayay Waaxadan Cusub Ee Qaliinka lagu soo kordhiyay Cusbitaalka magalada Dh/buur ayaa waxaa kasoo qayb galay masuuliyiin ka kala Socday Xafiiska Caafimaadka DDSI,maamulka Gobolka Jarar,maamulka Magalada Dh/buur,Masuuliyiinta Cusbitaalka Shaqaalaha Cusbitaalaka Magalada Dh/buur iyo Bulshada Qaybaheeda Kala Duwan.

Xadhig jarkii ka dib ayaa ugu Horayn waxaa Halkaasi Ka hadlay mareeyaha Cusbitaalka Magalada Dh/buur Badri oo ka Warbixiyay marxaladihii Kala Duwanaa Ee uu Soomaray isbitaalka Magaalada Dh/buur iyo Adeegyada kala Duwan ee uu siiyo Bulshada Wuxuuna Sheegay in Cusbitaalku uu kamid yahay cusbitaalada ugu wawayn Ee Kuyaala Deganka Somalida itoobiya Sheegayna In Uu Adeeg siiyo kasakow Gobolka Jarar ilaa Degmooyin Kamida Gobolada Qoraxay iyo Nogob.

Maareeyaha Isbitaalka Ayaa uga Mahad celiyay Xafiiska caafimaadka Ee DDSi Dadaalada kala Duwan Ee uu kudoonayo Sidii Bulshada Deganka somalida itoobiya loo gaadhsiinlahaa Adeeg Caafimaad oo Ku filan kuwaasoo ay kamidka Yihiin Balaadhinta iyo Kordhinta Ay Usameeyeen Cusbitaalkan Dh/buur.

Sidoo kale Munaasabadii xadhiga loga jarayay Qaybahan Cusub Ee lagu daray Cusbitalka Dh/buur Ayaa waxaa Ka hadlay Agaasinka Daawaynta Dabagalka iyo Dayactirka Ee Xafiiska caafimadka DDSI Mudane Qaasim Mahdi Sheegayna In Xafiiska Caafimaadka Ee DDSI Uu u tafo xaytay sidii Bulshada Deganka Somalida Goob Kasta oo ay kaga Nool yihiin Deegaanka Loo gaadhsiinlahaa Adeeg caafimaad Oo Ku filan,Dawo iyo Qalabka Caafimaadkaba.

Qaasim Sidoo kalana waxaa wasaarada Caafimaadka Qorshayaasheeda waawayn ka mida Kobcinta Aqoonta Xirfadlayaasha Caafimaad iyo Dhakhaatiirtaba iyadoona Waxbarasho loo Diro sanad kasta ayaa uu Yidhi. Qaybtan Cusub Ee logu talo galay inay Adeega Qaliinka Siiso Bukaanka Ayaa sida uu Agaasinku sheegay Ku baxday Aduun lacageed oo ka badan 3milyan Oo Bir Masuulka Ayaa Sidoo kale kula dardaarmay Dhamaan Kasoo Qayb Galayaashii Munaasabadan Gaar Ahaan Shaqaalaha ka Howlgala Cusbitalka Magalada Dh/buur inay Udhago Nuglaadaan Hadhiyo Habeenba Sidii Bulshadooda Ay usiin lahaayeen Adeega caafimaad Ee ay Uga baahanyihiin.

Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Godoomiyaha Gobolka jarar Mudane C/Jamaal oo Bogaadiyay Balaadhinta Isbitaalka Magaalada Dh/buur Tibaaxayna in Qaybta Qaliinka isbitaalku ay Cidhiidhi ku ahayd ka hor Dhismahan 2bo qol kaliya oo ay isbitaalka kaga jireen,iyadoo ay ka sakow Bukaanka Qaliinka u baahan ee Gobolka Jarar ay Adeegsiin jirtay Gobolada Qoraxay iyo Nogob ayuu yidhi.

Dhanka kale Maayorka maamulka magalada Dh/buur Mudane Suldan maxamed Xasan iyagoo uga mahad celiyay xafiska Cafimadka Isbadalada kala Duwan ee uu kusameyay Cusbitaalka Magalada Dh/buur Balana qaaday kaalintooda kaga aadan inay ka gaysanayaan.

Ugu Danbayntii Ayaa waxay masuuliyiinta kala Duwan ay Booqdeen DHismayaashan Cusub Ee loogu talo galay in lagu fuliyo qalinka iyo Qaybo kale oo ay fulisay hay`ada MSF Oo loogu talo galay caruurta