Shir Ay Soo Agaasimeen Jaaliyada DDSI ee Canada oo Ka Dhici Doona Magaalada Edmonton iyo Madaxwaynaha oo Tele-Confference Kaga Qaybgali Doona.

Waxaa loogu Baaqayaa Dhamaanba Qurbajoogta ka soo jeeda DSI ee ku Dhaqan Gobolka Alberta iyo Nawaaxigiisa in ay ka soo Qayb galaan Shir Ahmiyad balaadhan u leh Qurbaoogta iyo Xukuumadaba oo ka Dhici doona Gobolka Alberta Gaar ahaan Magaalada EDMONTON islamarkaana lagu Xoojinayo Arimaha Horumarka,N/,Maalgashiga iyo Maamulka Suuban ee ka hano-qaaday Deegaanka.

Shirkan ayaa ay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxauud Cumar iyo Madaxayne kuxigeenka ahna HogaankaN/galyada iyo Cadaalada Mudane C/laahi Yuusuf Weerar ay Telle-Conference kaga Qaybgali Doonaan iyadoona ay Qurbajoogta Warbixin ka siin doonaan Warbixinta Waxqabadka Xukumada iyo isbedelada ka socdaba.

Xukuumada Maanta haysa majaraha Hogaamineed ayaa ah Tii ugu horaysay ee Daahfur ku soo samaysa 5ta Qaaradood,islamarkaana fagaarayaal wadatashi ugu Qabata Qurbajoogta iyadoona Xidhiidhkii Wanaagsanaa ee ka Dhex abuurmay Xukuumada iyo Qurnbajoogta Natiijadiisii laga aalacan karo Arimaha Siyaasadeed,Dhaqaale,N/galyo,Horumar iyo Maalgasiga ka socda Deegaanka. Shirkan ayaa Ka Dhici Doona Gobolka Alberta gaar ahan Magaalada Edmonton.

Goobta uu Ka Dhici Doono:- Hotel Nova 159 RD Kingsway AVE & 119 St.

Taariikhda Shirka:- Janaury 05 Saacada Shirka:- 4:00 Galabnimo Westren Time.