Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Talaalka Xoolaha oo ay wadajir uga Fuliyeen Tuulada yaxoob ee Deg-Sagag Xirfadlayaasha Xaf,Beeraha iyo Xirfadlayasha Caafimadka Rijmantiga 15aad.

Sagag(cakaaraNews) Jimce jan,10,2014.Ololaha talaalka Xoolaha ayaa ay wadajiriskaga kaashadeen xirfadlayaasha Xafiiska Xoolaha Beeraha Iyo Horumarinta Reer Miyiga DDSI Xirfadlayaasha Ciidanka Gaarka Ah ee Liyuu Police Rejimintigiisa 15aad Ee ka Hawlgala Tuulada YaXoob Oo Ka Tirsan Degmada Sagag Ee Gobolka Nogob.

Hadaba Hawlgalkan Ooka Koobnaa Talaal Iyo Daaweyn Xoolaha Geela,Lo'da Iyo Adhiga Ayaa Ahaa Mid Looga Gol lahaa Sidii Looga Hortagi Lahaa Xanuunanada Cudurada Faafa ee ku Dhaca Xoolaha iyadoona sida ay sheegeen Hawlwadeenadu lagu talaalay laguna Daweeyay Xoolo Tira badan.

Dhankooda Bulshada Reer Guraaga Ah Ee Ku Nool Tuulada Yaxoob Ee Degmada Sagag Ayaa Bogaadiyey Gacanta iyo Taageerada joogtada ah ee Ay ka Helayaan Ciidanka Gaarka Ah Ee DDSI Rejimentigiisa 15Aad Ee Fadhigiisu Yahay Degmada Sagag oo Marwaliba Garabtaagan Islamarkaana Soo Gaadhsiya Dhamaanba Adeegyada Ay U Baahanyihiin .