Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ilqoodhka:- Abshir Shirkii Golaha Capinetka Dawlada oo Qiinayn Waxqabadka ka Dib Jawi wanaagsan Lagu Soo Gunaanaday.

Jigjiga(CN):- waxay inoo Joogtay in aynu ka wada Warsugno Waxa lagu soo gaba-gabeeyo Shirkii Sabtiilaha ahaa ee Golaha Fulinta DDSI oo Saq-badhkii Xalay laga soo baxay balse uu soo Helay wariyaha Ilqoodhka CakaaraNews Arimihii lagu Gorfeeyay Shirka.

Shirkan oo uu Shir-gudoominayay madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Diirada lagu saarayay Gunta iyo Xaaqiiqda Waxqabadka Xafiisyada Heer Deegaan Halka uu Marayo sida Waxa Qabsoomay, Waxaan Qabsoomin,Mashaariichii Socoday iyo Sababaha amaba Caqabadaha.

Dhanka kale Waxaa Xalay aad Loogu Lafaguray kal-fadhigan Heerka ay Taagan Yihiin Waxqabadka Xafiisyada u idman Dhinaca Biyaha Sida Xafiiska Horumarinta Khayraadka Biyaha DDSI,Wakaalada Dhisida iyo Horumarinta Byaha(Water Dvt Enterprise),Wakaalada Jidadka Miyiga iyo Magaalooyinka DDSI iyo Wakaalada Dhismaha.

Ka Dib markii la Dhagaystay warbixintoodii Xafiisyada kor lagu Bayaanshay ayaa uu Goluhu Su'aalo la xidhiidha Baaxada laga Filayay Waxqabadkooda ooda looga Qaaday,iyadoona wax laga waydiiyay Mashaariicii socday heerka ay taagan yihiin.Sidoo kalana Wakaalada Dakhliga DDSI ayaa Lagu Tuulay oo Tunka loo saaray in ay Heerka Dakhli Aruurintii laga Naaawilayay Ka Gaabiyeen Walow Canshuuraadka Dakhliga Dhanka Jaadka Canshuur Badan laga soo xareeyo,Dabcan Xafiisku Jigjiga uunbuu Culayska Saaray oo Wuu ka Gaabiyay Gobolada iyo Degmooyinka Kale.

Shirkan ayaa Jawi aad u Wanaagsan iyo is-Badhi Gantaalid Dardargalinta Adeeg-bixinta Xafiisyada ka dib ku soo Gunaanadmay "Abshir Ilqoodhka".Jawi Haboon.

Isku soo wada Duuboo Xalay Markii Shirka laga soo Dareeray Amin-Danbe ayaa uu Wariyaha Ilqoodhku uu Belef ku helay Xog Xaqiijinaysa in Guri ku Yaala Xaafada 5aad ee Maaalada Jigjiga koox ka soo baxday Shirka uu Waagu ugu Baryay Ma Dardar-galin Shaqo Mise?