Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI oo Shacabka ugu Bishaareeyay Xuska iyo Dabaaldaga Dhalashada Rasuulkeena Muxammad (csw) ee Bisha Mawliidka.

Jigjiga(CN) Axad Jan-12,2014. Madaxwaynaha ayaa Dhamaanba Shacabweynaha DDSI ee ku kala baahsan Dalka iyo Dibadiisaba ugu Bishaareeyay Xuska Dhalashada Rasuulkeena Muxammad (csw) oo sanad kasta laga Xuso Dunida Muslinka Bisha Rabiicul-Awal 12 keeda Haboontahayna in la isu Gargaaro,sadaqada la bixiyo lana siiyo Masaakiinta Mudan lana Joogteeyo Quwaynta Diinta,Adeecida Amarka EEBBE ku dhaqanka Faralka iyo Sunayaasha Nabigeenii Suubanaa NNKH.

Hadaba xusida dhalashada Rasuulku(CSW) waxay ka mid tahay sunnayaasha wanaagsan maadama oo ay kheyr ku lug leedahay, taas oo ay culumaau’diinku isku waafaqday in ay tahay xus wanaagsan oo ayna inkirin, waxaana ka mid ah in la loo kulmo oo loo soo ururo xuska dhalashada sharafta laheyd, in masaakiinta la quudsho maalinkaas, ama sadaqad lala baxo oo laga farxiyo masaakiintaas, in la akhriyo dhamaan dikriga sida quraanka, nabi amaanka, qasiidooyinka iyo dhamaan wax kastoo la xidhiidha weyneynta Maalinta Xuska Mawliidka.

 

Abtirsiinta Nabigeena caleyhi salaatu wa salaam: Muhammad bin ‘Abdullah bin ‘Abdul-Muttalib bin Hashim, bin ‘Abd Munaf bin Qusai bin Kilab bin Murra bin Ka‘b bin Lo’ayi bin Ghalib bin Fahr bin Malik bin An-Nadr (so called Qais) bin Kinana bin Khuzaiman bin Mudrikah bin Elias bin Mudar bin Nizar bin Ma‘ad bin Adnan bin Add bin Humaisi‘ bin Salaman bin Aws bin Buz bin Qamwal bin Obai bin ‘Awwam bin Nashid bin Haza bin Bildas bin Yadlaf bin Tabikh bin Jahim bin Nahish bin Makhi bin Aid bin ‘Abqar bin ‘Ubaid bin Ad-Da‘a bin Hamdan bin Sanbir bin Yathrabi bin Yahzin bin Yalhan bin Ar‘awi bin Aid bin Deshan bin Aisar bin Afnad bin Aiham bin Muksar bin Nahith bin Zarih bin Sami bin Mazzi bin ‘Awda bin Aram bin Qaidar bin nabi Ismael bin nabi Abraham Allahuma Salli wa Salim wa Baarik calaa Nabiyunaa Muxammad ( SCW )