Waftiga Madaxwaynaha DDSI ee Socdaalka KuTegay London oo Shirar Dhanka Maalgashiga ah La Yeelan Doonaan Maalqabeenada(Hantiilayaasha) iyo Qaybaha Bulshda

London(CN)Faahfaahin Dheeriya oo aanu ka helnay wariyaha Ilqoodhka London noo Jooga ayaa noo soo Tebiyay in Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo wafti la Socday oo Maanta ka Degay London ay Shirar Goos Goos ah la yeelan Doonaan Gudiga Jaaliyada DDSI ee UK,Ururada Bulshada,Qaybaha Shacabka Qurbajoogta iyo Waliba Maalqabeenada Heerarkooda ee ku Dhaqan Cariga Ingiriiska iyadoona ay Hantiilayaasha Raba in ay Deegaanka Maalgaliyaan Xukuumadu gacan buuxda ku siinayso.

Warka ayaa intaa ku Daraya in Socdaalkan Madaxwaynuhu ku Tegay UK uu ku Wajahan yahay Dhinaca maalgashiga taasoo Kalsooni Buuxdalagu siinayo Cid kasta oo Hantiile ama maalqabeen ah oo Rabta Maalgashiga Deegaanka in gacan buuxda lagu siinayo laguna Soo Dhawaynayo DDSI. Jadwalka Shirarka iyo Qaabilaada Madaxwaynahu kula Kulmayo Maalqabeenada iyo Qaybaha Qurbajoogta ayaa ay gacanta ku hayaan Daadihinteeda iyo soo saaristeedaba Safaarada DFI ku leedahay Lndon iyo Gudiga Jaaliyada DDSI taasoo ay Dhawaan soo saari doonaan.

Dhanka kale marka Socdaalkan waftiga Madaxwaynaha ee Ingiriiska la soo Gabagabeeyo ayaa la filayaa in wasiirka Beeraha DDSI C/risaaq Cali iyo Xubno la Socdaa Dalka Maleeshiya iyo wadamo ka mida Kuwa Indhayarta ay Socdaal hawleed oo ku Wajahan iskaashiga iyo Aqoonkororsiga Dhinaca Beerashada Bariiska ay la soo yeelan Doonaan,Maadaama ay Qorshayaasha Sanadahan soo socda ay Xukuumada DDSI Culayska saarayso ka mid yihiin sidii Bariiska loogu abqaali lahaa Deegaanka. Wixii ka soo kordha isha ku haya CakaaraNews.