Wafti qurba jooga ah oo uu hogaamiyo ugaas c/rashiid ugaas rooble oo siwayn loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal airport.

Wafti balaadhan oo qurba jooga oo uu hogaaminayo ugaaska beelaha gadabuursi ugaas c/rashiid ugaas roobleh ayaa si heersare ah loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international airport ee jigjiga.

waxaana soo dhaweeyay qaarka mid ah masuuliyiinta xukuumada DDSI ay ka mid yihiin maareeyaha qurba joogta DDSI mudane c/bari macalin maxamed, wasiirka hanti dhawrka guud DDSI mudane ahmed ibraahin ku xigeenka xafiiska qurba joogta mudane cabdi khaliif (dhoonbe) masuuliyiin, waxgarad ugaasyada deegaanka iyo kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI.

waftigan oo isugu jiray maalqabeeno maalgalin sare kasamaynaya deegaanka gaar ahaan dhinaca beeraha ee afka qalaadlooyaqaano (somali ethiopian agro enterprise developement)iskaashatada horumarinta beeraha ee somalida ethiopia (sead) aqoonyahano profesoro dhinaca waxbarashada maalgalin ugasocda gaar ahaan gobolada godey wafigan uu hogaaminayo ugaas c/rashiid oo ah qurba jooga ka soo jeeda gobolka faafan ayaa waxay kala yimid wadamada engiriiska; canada iyo holand.

Soo Dhawayntii Garoonka ka Dib ayaa uu Ugaasku qolka nasashada kula hadlay saxaafada deegaanka . Oo sheegay. In markii uu arkay horumarka ka taamyelay deegaanka iyo fursadaha maalgashi ee ka jira deegaanka uu go aansaday in uu din ugu noqda dhinaca qurbaha si uu qurba joogta deegaanka u dhalatay ugu soo sheego fursadaha iyo horumarka ka jira deegaanka waana taasi ayuu yidhi ugaasku tan maanta keentay in aan tiro intasi leeg oo qurba joog ah aan mar kiliya isku so raacno, wuxuuna siwayn ugu mahad celiyay ugaasku xukuumada ddsi ee uu hormuudka u yahay madaxwayne cabdi maxamuud cumar ee iyagu hirgaliyay horuamrka baaxada leh.

waxaa kale oo uu ugasku siwayn ugu mahad celiayay shacabka deegaanka iyo xukuumada DDSI sidii qiimaha iyo wadaninimadu ku dheehnayd ee ay u maamuuseen munaasabadii qiima u lahayd guud ahaanba shacabka iyo xukuumada DDSI Hidar 29.

Qaar ka mid ah waftigan qurba joogta ah ayaa iyaguna ka hadlay madashaasi waxay sheegeen in ay siwayn ugu faraxsan yihiin sida diiran ee ay xukuumada iyo shacabka deegaanku su soo dhaweeyan islamarkaana ay siwayn ula dhacsan yihin horumarka qiimaha badan ee sida dhakhsaha ah uga hirgalay guud ahaanba deegaanka.

Wasiirka qurba joogta DDSI mudane c/bari macalin maxamed ayaa sheegay in xukuumadu had iyo jeer u heelan tahay soo dhawaynta walaalahooda qurba joogta ah ee Doorbidaya in ay deegaankooda maalgashadaan ama ehelkood in ay arkaanba.

waxaana ladajiyay hutelka five starka ah ee hamda waxaana lafilayaa inay xukuumada lakulmaan meelo kaladuwan oo deegaanka katirsana ay booqan doonaan waxaa intaasi dheer in waftigu wadaan qalabyo loogu talo galay falashada iyo goynta beerraha oo waxwayn kataridoonta sectorka dibudajinta dooxooyinka iyo waraab gaar ahaan waxsoosaarka saracyada beeraha.