Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madaxwaynaha DDSI oo Shir Kaga Dhagaystay Warbixinta Waxqabadka Jaaliyada UK iyo Diyaarinta Jadwalka Shirarka

LOndon(CN) Talaado Jan14,2014.Madaxwaynaha DDSI iyo Xubno wehelinayay oo Shalay Booqasho hawleed ku Tegay Cariga Ingiriiska gaara haan Magaalda Caasimada u ah ee London ayaa Maanta kulankiisii ugu Horeeyay la qaatay Gudiga Hogaaminta Jaaliyada DDSI ee UK halkaasoo uu kaga Dhagaystay warbixinta Waxqabadkooda iyo Isbedeladii Dhinacyada Arimaha Bulshada ee ay Bilihii ugu danbeeyay iyo Horaantii sanadkii Tegay Qaadeen.

Jaaliyada ayaa ka warbixisay Habka Wacyigalinta iyo Abaabulka ka Qaybqaadashada Arimaha Horumarka.Ngalyada,Maamulka Suuban iyo Maalgashiga ay Qurbajoogta ka soo jeeda uga Qaaadan lahaayeen Doorkooda in ay Gundhig uga Dhigeen Qorshayaashooda islamarkaana Natiijo fiican laga keenay ayay Hogaaminta jaaliyadu ku warbixisay Sidoo kale waxa ay Tilmaameen Doorka Qurbajogtaka soo jeeda DDSI ee ku Dhaqan cariga Ingiriiska ay Sida wadaniyadu ku jirto uga qaateen iibkii-Saamiyada Biyo-xidheenka Qarniga iyadoona ay Jaaliyada Soomaalida Itoobiya iibsatay Saami Dhan Aduun lacageed oo aad u badan Hormuudna u yihiin Dhamaanba Qowmiyadaha ku abtirsada DFI hawlaha Qaranka,islamarkaana Munaasabadaha iyo xaladahaHeer qaran si wayn aanu uga Xusno UK taasooy Safaarada DFI iyo Qowmiyaduhuba ka marag kaceen.

Madaxwaynaha ayaa Bogaadiyay Waxqaadka jaaliyada DDSI ee UK,Ururka Haweenka UK,Ururka Dhalinyarada iyo Dhamaanba Qurbajoogta oo Tusaale Muuqda u noqday Dalalka ay Qurbajoogta ka soo Jeeda DFI ku Dhaqan yihiin oorkii Wadanaiyadeed ee ay Qurbajoogta Deegaanka ee UK kaQaadatay Iibka Saamiyada Biyo-xidheenka Qaniga ee Wabiga Abbay ayuu yidhi.

Sidoo kale Madaxwaynaha ayaa warbixin ka siiyay Halka Deegaanku Marayo Maanta Siiba Dhinacyada Horumarka,N/galyada.Maamulka Suuban isagoona aad u falanqeeyay Heerka iyo Kobaca ay Adeegyada aasaasiga ahi marayaan Sida Waxbaraashada, Caafimaadka,Biyaha,Beeraha, Isgaadhsiinta,laydhka iyo Barnaamijyada Shaqo Abuurka iyo Ladagaalanka Saboolnimada Sida Mashruuca ka Faaiidaysiga Wabiyada iyo Dooxooyinka ee Qoysaska agagaarada Wabiyada iyo Dooxooyinka lagu Dejinayo.

Dhanka kale Madaxwaynaha ayaa Carabaabay Mar uu ka hadayay Guulaha ay Ciidanka Geesiyiinta ah ee Liyuupolice ka soo hooyeen Sugida N/galyada Gudaha Deegaanka in ay Qurbajoogtuna Dhankooda ka soo Dhalaaleen in ay Aragti ahaan Dhanka Fikirka iyo Taageerada UBBO ka nadiifiyaan Dalalka Dibadaha Taasoo Natiijada Yidididiilada Horumarineed ee Deegaanku ku talaabsaday Sanadihii ugu danbeeyay ay Ku Timid Markii Cudud ahaan UBBO deegaanka looga Sifeeyay Iyo Fikir iyo Taageero-Qaadhaan ahaan Markii 5ta Qaaradood UBBO laga Soomiyay ayuu yidhi Maadaxwaynuhu.

Mar uu Madaxwaynuhu ka hadlayay Ujeedada ugu wayn Socdaalkooda ayaa uu ku sheegay in ay Saldhig u tahay in ay Hantiilayaasha iyo Maalqabeenada Waawayn ee ku Dhaqan cariga Ingiriiska in ay ugu Baaqaan in ay Deegaanka Maalgashadaan Taasoo ay Xukuumada iyo Shacabka Deegaankuba Qalbi Furan iyo Ku Gacansiin kala Hor imanayaan(Ku Qaabilayaan) ayuu Yidhi Madaxwaynuhu.

Kulankan Maanta ayaa Ujeedadiisa 2aad ay ahayd Sidii loo Diyaarin lahaa jadwalka Kulanada iyo Qaabiladaada Madaxwaynaha DDSI Maalmaha uu ku sugan yahay London iyadoona Kulamo Goos Goos Isdabajoog ah uu Madaxwaynaha DDSI iyo waftgiisu la yeelan Doonaan Maalinka Beri ah Cida jadwalka ugu Horaysa. Wixii ka soo kordha Socdaalka Madaxwaynaha iyo Jadwalka Qaabilaaada Filo Dhawaan Wariyaha Ilqoodhka London ayaa Idiinku Maqan.