Madaxwaynaha DDSI oo Kulan Balaadhan La Qaadanaya Dhamaan Waxgaradka 9ka Gobol ee Ku Dhaqan UK.

London(CN) Arbaco Jan,15,2014. Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa maanta gudagalay Jadwalka shirarka goos-gooska ah ee uu la gali doono Qurbajoogta iyo Hantiilayaasha ku nool Cariga Ingiriiska iyadoona uu waji ka duwan kuwii hore uu kula Xaajoonayo ama kala hadlayo Qaybha Bulshada Qurbajoogta ah heerarkooda ee 9ka Gobol ee uu Deegaanku ka kooban yahay oo Wakhti-xaadirkan sal mugii u wada fadhiya Hoolka Shirarka ee Safaarada Itoobiya ay ku leedahay London.


Furitaankii Shirka oo ayaado Quraan ah lagu furay ka dib ayaa uu Madaxwaynaha DDSI Waxgaradka iyo odoyaal-dhaqameedka 9ka Gobol ee kulanka Wadatashiga ah uga socdo Safaarada ayaa uu Madaxwaynahu ugu horayn uga Mahadceliyay dhamaanba Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku dhaqan Boqortooyada Ingiriiska Dareenkooda Wadaniyadu ku dheehan tahay ee ay sida hagar la'aaneed ugaga qaybqaataan ka sakow Taageerada ay Deegaankooda loa garab taagan yihiin Hawlaha iyo Qorshayaasha Heer-Qaran Tusaale-Taariikhi ahna u Tahay Doorkii ay Qurbajoogta Deegaanku ka qaateen iibkii Saamiyada Biyo-xidheenka Wabiga Qarniga ee Abbay iyo Munaasabadaha Heer Qaran iyo Heer-Deegaan sida ay isugu xilsaaraan qabashadooda.


Madaxwaynaha ayaa ka warbixiyay Sooyaalkii-Taariikheed ee uu Deegaanku soo Maray isagoona sharax waafiya ka bixiyay Curashadii Itoobiyada Cusub iyo Xaqiraadii Itoobiyadii hore oo Shacabwaynaha Deegaankeena Duudsiisay dhamaanba Xuquuqihii Qowmiyadeed ee ay Xaqa u lahaayeen dhaxal-siiyeena Xasuuq ba'an iyo barakac dhaxalsiiyay in Shacabku u Dhalan Dhoolaan Wadamada Deriska ah dhamaanteena wada xasuusan karno Waagii Mugdiga ahaa ee uu shacabkeenu soo maray intii ka horaysay Iftiinka iyo Fursadaha Dimoq-raadiyadeed ee aynu ka helnay Itoobiyada Cusub ee ka soo farcantay halgankii qadhaadhaa ee a EPRDF Xukunka kaga tuureen Taliskii Faashiistiga ahaa ee Mingistu ayuu Yidhi Madaxwaynu.


Sidoo kale Madaxwaynaha ayaa Tibaaxay In Deegaankeenu uunan sidii la rabay  aynan Shacabka Deegaanka ugaga faaiidaysan taasooy saldhig u ahaayeen Xukuumadihii Fadhiidka ahaa ee Soo maray Deegaanka iyo hagardaamooyinkii Nabad-diidka oo isbiirsaday oo Shacabweynaha 9ka-Gobol ee Deegaanka u suurtogalin kari waayay in ay ka haqab-belaan Neecaw nololeed oo u horseeda Horumar,Xasilooni,Kobac-dhaqaale iyo Fursado ay kaga faaiidaystaan Adeegyada aasaasiga u ah Nolosha Shacabka ayuu yidhi Madaxawaynuhu.

Madaxwaynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa meesha ka saaray in Wakhti badan uu siiyo ka hadalka Taariikhdii Madoobayd ee ay UBBO Dhaxalsiisay Shacabka Deegaanka kuna naafeeyeen Taabo-galinta Horumarka Deegaanka in ka badan 20 Sano loona baahnayn inwakhti xaadirkan lagu lumiyo Wakhti badan oo naga habsaamiya sidii aanu u gaadhsiin lahayn Dhamaanba Gobalada iyo Degmooyinka isbedelo Horumarineed oo Xawli ah kana Turjumi kara ka Jawaabista Baahiyaha aasaasiga u ah Nolosha Bulshada ayuu yidhi Madaxwaynuhu.

Balse Madaxwaynaha ayaa si qoto-dheer uga faalooday Tabihii iyo xeeladihii ay intii ay Jirtay Xukuumadan uu Hogaankeeda hayo ugaga Talowday Dhamanba caqabadihii ka jiray Deegaanka Muunad kudayasho Mudana ugu Noqday DDSI Dhamaanba 9ka Deegaan iyo 2da ismaamul ee ay DFI ka kooban tahay iyo Wadamada Gobolkaba Taasoo Ku Timiday uu Yidhi Madaxwaynuhu ka go'naanshaha Fikirka Nabaddiidka iyo Xidhiidhka Wanaagsan ee ka Dhex abuurmay Xukuumada Maanta iyo Qaybaha Bulshada Heerarkooda taasoo Dhidibada u aastay in la helo Ciidan wakiil ka Noqda Daryeelka Shacabka iyo xasilooni u Horseedida in ay Shacabku hiigsadaan Isbedelo ay ku hiigsadaan kor uqaadida Heerka Nolol,horumar iyo Koboc-dhaqaale oo ay kula Jaanqaadaan Itoobiyada kale ee ka soo kabatay Dhibaatooyinkii Dhergigu Gaadhsiiyay kuwaasoo Noqday Ciidanka Gaarka ah ee Liyuu-Police kuwo kaga soo dhalaalay Mudo kooban Rumaynta Hamigii iyo Doonistii Shacabka Deegaanku ku fikirayeen ee ahaa in ay ka Haqab-beelaan Horumar,Adeegyada aasaasiga u ah Nolosha iyo Kobac-Dhaqan Dhaqaale oo Damaanad u Noqda Maaraynta Meertadooda Nololeed taasooy Geesiyiinta Ciidaka LPna u Rumeeyeen Riyadii Shacabka Quusta ka taagnaa Nabadiidka Turunturada ku Noqday Noloshooda ayuu yidhi Madawaynuhu.


Dhanka kale Madaxwaynaha ayaa carabaabay in Heerka Deegaanku uu maanta taagan yahay ee Kalsoonida Buuxda Dhamaanba Qowmiyadaha iyo Shucuubta ka Irdhaysnaan jiray Deegaanka in Xuskii 8aad ee Hidar 29 lagu Qabto Jigjiga ay ku Timid Dhamaanba Qaybha Shacabka Dal iyo Dibadba oo udub-dhexaad u Noqday Laamaha Xukuumada DDSI Xdhiidh wadashaqayneed loo hagarbaxayna uu ka Dhaxeeyo ayuu Yidhi.


Shirka oo ilaa iyo eegadan lagu jiro ayay noo suurtogali wayday in aanu helno Gunta iyo Gabagabada Balse ilaa iyo Hada kaliya ay tahay Xogtaan ka helnay Geedisocodka Shirka waxgaradka 9ka Gobol iyo Madaxwaynaha Inta kor ku Qoran oo uu Durba soo shalwiyay wariyaha Ilqoodhka noo jooga London.

Dib kala Soco natiijada gabagabad hana ka Durkin CakaaraNews kala soco ilqoodhka Akhristayaasha Sharafta Mudanoow.