Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shirkii Wadatashiga Gobolada oo Jawi aad u Wanaagsan Ku Soo Dhamaaday iyo Madaxwaynaha oo Beri Kulan La Yeela Doona Maalqabeenada iyo Gobolka Qoraxay.

London(CN) Arbaco Jan-15,2014. Shirarkii Isdabajooga ahaa ee uu Maanta Safaarada Itoobiya ku leedahay London Uga Socday Madaxwaynaha DDSI MUdane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Waxgaradka Gobolada Deegaanku ka kooban yahay ayaa Jawi aad u Wanaagsan ku soo Dhamaaday 8ka mid ah 9ii Gobol,Marka laga laga Reebo Gobolka Qoraxay oo Beri la kulmi Doona Madaxwaynaha.

Jadwalka Beri ee Kulamada Madaxwaynahu la Qaadan Doono Qurbajoogta ayaa ay ugu Horeeyaan Shir Wadatashi ah oo Dhexmari Doona Gobolka Qoraxay.Sidoo kale madaxawaynaha ayaa kulan balaadhan oo lagu gorfayn doono Doorka Maalgashiga kula yeelan doona Safaarada Maalqabeenada ka soo jeeda deegaanka iyo kuwa danaynaya Maalgashiga DDSI Maalinta Berito ah.