Madaxwaynaha DDSI oo Shir Ka Duwan Shirarkii Hore Kula Qaatay Safaarada Itoobiya ee UK Maalqabeenada.

London(CN) Jimce Jan,17,2014.Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Somalida Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Wasiirka Beeraha DDSi Ayaa Shaley Kulan balaadhan kula Qaatay Safaarada Itoobiya London Ee UK Maalgashadayaal Kala Duwan kuwaasoo si xeeldheer madaxwaynuhu ugala munaaqashooday sidii ay Dhulkooda u maalgashan lahaayeen iyadoona uu madaxwaynuhu sharax buuxa ka siiyay fursadaha maalgashi ee ka jaira Dhulka Dihin ee alle ku manaystay DDSI.

Madaxwaynaha ayaa Tibaaxay in Deegaanka ay Maraan 3-wabi oo aan Gu'in Jiilaal iyo Gu' iyo Togag aan waxba ka dhicin sidoo kalana Dooxooyin iyo Dhul-beereed aan wax bacrimin ah u baahnayn oo loogaga faaiidaysan karo Dhanka dalagyada kala duduan ee sarcyada Beeraha iyadoona ay Xukuumadu Qorshaysay dabayaaqada sanadkan in Gobolka Shabeele agu abqaalo Bariis islamarkaana laga dhiso Warshada Sonkorta DDSI ayuu yidhi Madaxwaynuhu.

Sidoo kale Madaxwaynha ayaa ka hadlay Dhinacyada Khayraadka Dabiiciga ah,Tayada Xoolaha Deegaanka iyo Nidaamka ay Xukuumada Dawlada Deegaanku Soomaalida Itoobiya ay Suuq ugu Raadinayso loona sameeyo Xoolaha Macrajyo lagu naaxiyo lagana Dhoofiyo iyadoona ay Xukuumadu Xooga saartay sidii Caafimaadka Xoolaha loo adkayn lahaa ayuu Madaxwaynuhu Yidhi.

Shirka Ayaa Ahaa mid ka Duwan Shirarkii Hore Madaxweynaha Dowlada Deegaanka Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Ayaa Soo Dhaweeyay Shirka uu la Qaatay Maalgashadayaasha taasoo ay isku Afgarteen in hantiilayaashu maalgashadaan Dhanka wax-soosaarka Beeraha,Warshadaha,Dhismaha iyo Dhoofinta Xoolaha Lana sharciyeyn Doono Qaabka Ay Dhulkooda hooyo u maalgashanayaan.

Dhanka kale Madaxwaynaha DDSI ayaa Maanta Dhex Mushaaxayay Golihii caasimada London ee ay Ina-Cumar dacay iyo Xertiisii ka Carareen iyadoona Madaxwaynuhu uu magaalada London Baaskiil ku Dhex-watay Yidhina wakhtigayga waan u hurayaa Badbaadinta Dhiiga Shacabka iyo Daryeelka Nolosha Shacabwaynaha DDSI Dal iyo Dibadba.