Waftigii Qurba joogta ahaa ee uu Ugaas C/rashiid Hogaaminayay oo Qaar ka Mida Wasiirada Heer-Deegaan Booqasho u Geeyeen Degmoyinka Awbare iyo Danbal.

Awbare(CN) Jimce :Waftigii Qurba joogta ahaa ee uu Ugaas C/rashiid Hogaaminayay oo Qaar ka Mida Wasiirada Heer-Deegaan Booqasho u Geeyeen Degmoyinka Awbare iyo Danbal.

Wafti Qurba-joog ah oo uu Hogaaminayay Ugaaska Beesha Gada-Buursi ee DDSI Ugaas C/rashiid Ugaas Rooble ayaa maalmahanba Booqasho ku joogay Caasimada DDSI ee magaalada Jigjiga iyadoona Soo dhawayntoodii ka dib uu Madaxwayne kuxigeenka DDSI ahna Siihayaha Xafiiska Madaxwaynaha DDSI Mudane C/laahi Yuusuf Weerar uu ku Qaabilay Xafiiska Madaxtooyada halkaana isku waydaarsadee warbixino iyo Afkaaro ku wajahnaa Maalgashiga Dhulkooda.

Hadaba Waftigan oo ku yimid Deegaanka ololihii Wacyigalineed ee Dib unoqoshadii Ugaas C/rashiid kaga Waramay xaqiiqda iyo Waxqabadka Dhabta ah ee uu Deegaanku marayo kuna soo xaqiiqsaday Indhihiisa ayaa ay Qaar ka mida Masuuliyiinta Xafiisyada Heer-Deegaan Socdaal Indha-indhayn Heerka ay Marayaan Horumarka Degmooyinka Awbare iyo Danbal u sii qadhqaadeen Wasiirka Xafiiska Hati-dhawrka Guud Mudane Axmed Ibraahin Cabdi,Maareeyaha Wakaalada Qurbajoogta DDSI C/bari Macalin iyo Gudoomiyaha Gobolka Faafan mudane Cabdi-wali Maxamed.

Waftigan ayaa Si heer sare ah looga soo dhaweeyay Magaalada lafa-ciise iyadoona Maamulada,Ardayda iyo qaybaha Shacabka lafaciise ay kaga horyimaadeen Masaafo ka baxsan magaalada islamarkaana usii galbiyeen dhanka magaalada kuwaasoo kala horyimid Gaadiid Tiro badan oo isugu jiray Baabuur iyo Fardo oo ay saarnaayeen Shacabtiro badan oo watay Calamada Deegaanka iyo caleemo Qoyan .

Waxaana ayna waftigani booqdeen ugu horayntii dugsiga sare ee magaalada lafaciise oo ay halkaasi warbixin kaga dhagaysteen maamulaha dugsiga sare ee magaalada lafaciise, waxayna qol qol u galeen fasalada Dugsiga oo ay xiligaa ka socotay Waxbarashadii intaasi ka dib ayaa ay booqdeen health center ka wayn ee magaalada lafaciise oo ay u kuur galeen qaabka uu adeega-caafimaad u bixiyo islamarkaana warbixin kaga dhagaystay mareyaha xarunta caafimaadka iyo xirfadlayaasha caafimaadka ee health centerka iyagoo aad ula dhacay xiligaas markii ay arkeen in qaybo ka mida dhismayaasha xarunta-caafimaad ee lafaciise in ay dhisteen Shacabku.

Intii ay joogeen magalad lafaciise ayaa waxay waftigani la kulmeen dadwayne aad u tiro badan oo ku sugayay barxad wayn oo loogu tala galay in ay waftigani ku nastaan halkaasoo kula ugu horyntii ku soo dhaweeyay gudoomiyaha degmada awbare oo sheegay in uu isaga iyo shacabka degamada awbare ku faraxsan yihiin qurba-joogtan u dhalatay degmada ee u socda in ay maalgashadaan degmada iyo dagaankaba.

Sidoo kale waxaa isaguna halkaasi ka hadlay gudoomiyaha gobolka faafan oo ka waramay fursadaha maagalgashi ee ka banaan deegaanka gaar ahaan gobolka faafan Dhankiisa Maareeyaha wakaalada qurba-joogta DDSI mudane c/bari macalin maxamed ayaa isaguna oo isaguna dhankiisa ka hadalay ayaa sheegay in xukuumada DDS ayaa siwayn uga waramay shacabka farqiga u dhaxeeya xukuumadihii hore ee ka soo talin jiray deegaanka iyo xukuumadan hada ka talisa deegaanka ee uu hormuudka uyhay madaxwayne cabdi maxamuud cumar iyo waliba wax qabadka qurbajoogtii hore iyo tan maanta.

Maareeyaha ayaa si qoto dheer uga waramay dalaalka dheer ee ay xukuumadu ugu jirto dhinaca arimaha xidhiidhka qurba jogta oo u sheegay in madaxwaynihii deegaanku maanta ku sugan yahay qurba si uu jahliyadaha qurbaha kula kulmo waana midhihii ka dhashay ayuu yidhi dalaaladaa ay xukuumadu ku jirto in maanta ay qurba jogtu idiin ku yimaadaan magaalada lafacise.

Sidoo kale Wasiirka hanti dhawrka guud ee DDSI ayaa sheegay in xukuumada maantu intii ay jirtay qaaday talaabooyin horumarineed oo si siman u maasheeyay Dhamaanba Gobolada iyo Degmooyinka ay ka kooban tahay Xukuumadu,sidoo kalana ay Xukuumadu dadaal xoogan ugashay Xidhiidhka Qurbajoogta iyo Maalgashiga Deegaanka iyadoona Madaxwaynaha iyo Golihiisu Socdaalo dhaadheer ku tageen 5ta Qaaradood kuwaasoo keenay natiijadan maanta aad ku timaadeen isagoona shacabweynaha iyo ardayda lafaciise uga mahadceliyay Soo dhawaynta Diiran ee Muxubada leh ee ay Waftiga kala horyimaadeen.

Qaarka ka mid ah qurba joogta DDSI gaar ahaan degmooyinka awbare iyo dalbal oo la hadlay bulshadaasi ayaa sheegay in ay maanta u tahay maalin qaaliya maadaamo ay ay xukuumadoodii iyo shacabkoodii siwada jir ah u soo dhawaynayaan waxayna sheegeen in ay ujeedada socodkodu tahay in ay kala qaybqaataan xukuumadooda iyo shacabkooda horumarka siwayn uga Taabogalay,islamarkaana maal-gashi aad u balaadhan oo ay ka hirgalinayaan.

Ugu danbeyntii waxa halkaasi hadalo duco u badan ka soo jeediyay ugaas c/rashiid ugaas rooble, waftigan ayaa waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalooyinka sheer dheer iyo waliba magaalada awbare iyada oo meelkasta oo ay istaagaanba kula hadlayay dadwaynaha so dhwaynahay waxaana galabnimadii ay gaadheen awbare hoolka shirarka ee degmada awbare kula shireen dadwaynaha ku dhaqan magaalada awbare oo ay ku dhanaayeen dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshadu waxaana shirkaasi lagu gorfaynahay sidii ay siwada jir ah uga qayb qaadan lahaayeen horumarka ka jira deegaanka xukuumada, qurba jooga iyo shacabka DDSI.