Xafiiska Caafimaadka DDSI oo Kulan Lagu Qiimaynayay Wareegii 5aad ee Taaalka looguna Diyaargaroobayo Hirgalinta Wareega 6aad ee Talaalka u Qabtay Xirfadlayaasha iyo Hayadaha Deeqda Bixiya.

Jigjiga(CN) Sabti Jan18,2014.Shir Ay Ujeedadiisu Ahayd Qiimayntii ololaha talaalka Ee Wareegii Shanaad(5) Ee laga Fulinayay Dhamaan Deeganka Soomaalida itoobiya iyo falanqaynta Caqabadihii Soo wajahay si loogu diyaargaroobo fulinta wareega 6aad ee ololaha talaalka ayaa loo qabtay xirfadlayaasha caafimaad iyo Qaar kamida hay'adaha aan dawliga ahayn ee Deeqaha Bixiya.

Sida la sheegay talaalkii wareegii 5aad ee alaalka Dabaysha ayaa lagu Talaalayay caruurta Dadoodu Ka hoosayso 15ka Sano iyadoona Dhamaanba Gobolada iyo Degmooyinka lagu Talalay in kabadan (2.3milyan) 2milyan iyo 3boqol oo caruur ah taasi oo ka dhigaysa in la gaadhsiiyay daboolka talaalka caruurta Ee Cudurka dabaysha Boqolkiiba 87.

Sidoo kale kulankani Qiimayntaa Ayaa Ahaa mid loogu Diyaar garoobayo Wareega 6aad Ee Ololaha talaalka Ee Cudurka Dabaysha kaasi oo Bilaaban doona 24ka bishan iyadoona kulankan lagu soo Bandhigayay Heerka uu marayo Talaalka Joogtadaa iyo Xidhiidhka Dad-Waynaha,

kulankan Qiimayntaa oo uu Soo Diyaariyay xafiiska caafimaadka Ee DDSI Ayaa waxaa Furitankiisii ka hadlay Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Caafimaadka Mudane C/fataax Siciid oo ugu horayntii uga mahad celiyay Kasoo Qaybgalayaasha Sidii Hufnayd ee ay Usoo gabagabeeyeen talaalka Wareegisii 5aad isaga oo Sheegay in kulankani Wax wayn ka taridoono Diyaar garowga loogu jiro wareega 6aad Ee ololaha talaalka Cudurka Dabaysha Kaasi oo Bilaamaya 24ka Bishan aan ku jirno Masuuka oo hadalkiisa Sii wata Ayaa yidhi ma jiro Ilmo Aan la Talalin Maanta hadii Uu jirana waa in looga Faa`iideeyaa wareegan 6aad Ee Bilaamaya Bishan.

isku soo wada Duuboo kulankan Qiimayntaa Ayaa waxaa kasoo Qayb galay Dhamaan xubnihii Ku Hawlanaa Fulinta ololaha Talaalka iyadoo Sidoo kale Ay Kasoo Qaybgaleen Hay`adaha WHO,UNICEF iyo kuwo kale Xafiiska Cafimaadka Ee DDSI Ayaa wada Dadaalo lagu Dabargoynayo Cudurka Dabaysha kaasi oo ah mid isagu leh ka hortag balse Aan lahayn Daawayn