Munaasabad Casho-Sharaf Ah oo Madaxwaynaha DDSI iyo Dhamaanba Qaybaha Qurbajoogta UK oo Xalay Sal Mugii Loogu Wada Fadhiistay London +Sawiro.

LOndon(CN) Axad Jan19,2014:- Waxaa Xalay Ka Dhacday Magaalada London ee Cariga Ingiriiska Xaflad Casho-sharaf ah oo si heer-sare ah loo soo Agaasimay  kulmisayna Madaxwaynaha DDSI iyo Waftigiisii, Madaxda Safaarada DFI ee UK, Maalqabeenada, Jaaliyada, Ururka Haweenka, Dhalinyarada iyo Dhamaanba Qaybaha Bulshada Qurbajoogta ah oo ka kala Yimid Dhamaanba Gobolada iyo Magaalooyinka Boqortooyada Ingiriiska.

Munaasabadan ayaa ay ka Muuqatay Dareen farxadeed oo ay Jibo Wadaniyadeed iyo isu hilow ay ku jirtay taasoo laga dheehan karayay Dhamaanba Qurbajoogtii Naasiibka u heshay xalay in ay madaxwaynaha DDSI ee Soo Nooleeyay Sharaftii iyo Noloshii Shacabweynaha 9ka Gobol Salkana u Dhigay Nabadgalyadii Sirin-sirqaha ahayd in ka badan 20 Sano in ay ku kulmaan Casho-sharaftan oo Qiimo Gaara u lahayd Qurbajoogta Xalay.

casho-sharaftan ayaa u Badnayd xalay Jawi farxadeed oo Madaxwaynaha lagu gacanqaadayay sawiro xusuus ahna lagu kala reebanayay iyadoona uu Madaxwaynuhu la dhacsanaa Dareenka Farxadeed ee Qurbajoogta ka soo Burqanayay Xalay. Xafladan xalay ka dhacday london ayaan loo kala hadhin islamarkaana ay soo buuxdhaafiyeen Dhamaanba Qaybaha Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku kala baahsan Cariga ingiriiska,iyadoona ay Hogaaminta Shabakada CakaaraNews ay Mahadnaq balaadhan u Jeedinayso Maamulka Websiteka NogobNews Mudane Ugaas Xasan oo Runtii Dadaal ay Wadaniyadi ku dheehan tahay ugaga Soo Baqoola Kulamada London Magaalo Masaafo aad u dheer ka baxsan London,islamarkaana Baahiyaha Hadba Halka ay marayaan Geedi-socodka Jadwalka Shirarka iyo Qaabilaada Madaxwaynaha DDSI ee Socdaalka Hawleed Maalmahanba ku jooga London.