Madaxwaynaha DDSI oo Ka Maqsuuday Kartida iyo Khibrada Gaamurtay ee ay Gudiyada Jaaliyada DDSI ee UK Ku Hogaaminayeen Shirarkii Gobolada,Maalqabeenada,Qurbajoogta iyo Munaasabadii Casho-Sharafta Qiimaha Badnayd Una Fidiyay Mahadcelin Balaadhan.

London(CN) Axad Jan 19,2014.Sidaynu la wada soconayba waxaa Todobaad ku Sugan magaalada London ee Cariga Ingiriiska Wafti uu Hogaaminayay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo Xaqiijiyay Sida ay Muunada Dhaxalgal-galka ah ugu Noqotay Dalalka Dibada Dalka Ingiriiska oo ay Gabi ahaanba ka aslaaxday si la mida Dalka Nabadgalyo Buuxda iyo Feejignaan Hawlkareed oo ay Guud ahaan Qurbajoogta Gaar ahaana Gudiyada Dareenkooda Wadaniyadeed ku suurtogaliyay in ay ka sifeeyaan Waxa loogu Yeedho UBBO iyo Aragti Nabadiidnimo taasoo u Suurtogalin wayday 3dii Dilaalka uga ahaa Daadinta Dhiiga Shacabka oo Muraaradilaac Darteed lafahooda ulacararay Sweden iyo Finland ka dib markii ay Xaqiiqsadeen Midnimada, Feejignaanta,Isku-duubnida Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku Dhaqan Boqortooyada Ingiriisku Dhexda ugu xidheen sidii ay kaalin mugleh uga qaadan lahaayeen horumarka, n/galyada, maamulka-suuban iyo maal-gashiga ka hano-qaaday Guud ahaan Deegaanka islamarkaana Udub-dhexaad ugu Noqon lahaayeen Soo Noolaynta Meeqaamka Shacabweynaha Deegaan iyo Jihooyinka Hogaamineed ee Xukuumada DDSI Dal iyoDibadba.

Madxwaynaha ayaa Dareenkiisa ku muujiyay kuna amaanay Sidii ay Wakhtigooda Qaaliga ah ugu Hureen Gudiyadii Sida Gaarka ah isugu Xilsaaray iskudubaridka iyo ka Shaqaynta Qabsoomida Shirarkii Goos-gooska ahaa ee 9ka Gobol,Maaqabeenada iyo Qaybaha Qurbajoogta ee aan kula Kulmayay London iyo hawlkarnimada Xirfadu ku salaysnayd ee ay uga sii Baaraan Dageen kuna saleeyeen Jadwal Xilile ah oo ay ku kala Horayeen ergooyinka taasoonan Daqiiqad aynan Dabamarin Wakhtigii ergo kasta ay u Cayimeen in aan ku Qaabilayay iyagoona isku Jaangooyeen Jadwalka Saacadaha iyo Qaabilaada oo sidii loogu talogalay ku Dhamaaday,sidoo kalana ay Hanaanka iyo Jawiga kulamadu u ahaayeen Kuwo aad looga soo baaraandegay(Well-Organized) oo aynan ka Muuqanin habayaraatee Wax isdhexyaac ah,Buuq ah ama Dabacsanaan hanaanka Maamulka Waana Mid aan aad ugu Amaanayo Qaybaha Jaaliyada Sida Hogaaminta sare ee Jaaliyada,Ururka Haweenka iyo Ururka Dhalinyarada.

Madaxwaynaha ayaa aad ugu Amaanay Hogaaminta Jaaliyada DDSI ee London iyo Ururka Haweenka Sidii Qiimaha Badnayd ee ay u soo agaasimeen Munaasabadii Casho-sharafta ahayd ee Xalay ka dhacday Hotelka islamarkaana aynan u kala hadhin ka soo Qaybgalkeeda Dhamaanba Qurbajoogta Uk oo Dhaantada,Wilwilada iyo Ciyaaro Dhaqameedka Deegaanka xalay shucuur-farxadeed ku Ciyaarayay iyadoona ay Gudigu sugeen in Xafladu aynan Noqon isdhexyaac kana baaraandageen anshaxeeda iyo ilaalinta Protocolkeeda iyadoona Meesha ay Cashosharaft ka Dhacday oo ahayd Mid ka Mida Hoteelada London ugu Waawayn aynan Jirin habayaraatee Dareen laga Qabay amni daro taasooy Jaaliyadu kalsooni Buuxda ku muujisay in aysan Jirin Shacab ka soo jeeda Deeegaanka oo weli dabada sii haya mala-awaalkii UBBO Waa horana Xididada looga siibay Cariga Ingiriiska.

Sidoo kale Madaxwaynaha ayaa waxgaradka 9ka Gobol,Maalqabeenada iyo Qurbajoogtaba ugaga Mahadceliyay Sidii Xilkasnimadu ku jirtay ee ay Shirarka uga soo Qayb-galayeen islamarkaana u ilaalinayeen jad-walka iyo Saacadaha loo Qabtay Waana mid aan ku Xaqiiqsaday Wadaniyada iyo jacayka ay dawladooda u Qabaan ayuu yidhi Madaxwaynuhu.

Dhanka kale Madaxwaynaha ayaa Gudiyada Jaaliyada UK ku amaanay Sida wadaniyadu ku dheehan tahay ee ay u Xaqiijiyeen Midnimada,isku-duubnida,Walaalnimada,Wada-shaqaynta iyo ismaqalka ka Dhaxeeya Guud ahaan Qaybaha Qurbajoogta Deegaanka Gaar ahaana Gudiyada Hogaaminta Jaaliyada UK oo Noqday Mid ka mida Tiirarka ugu Waawayn ee Xukuumada Maanta kuwaasoo Sugay Si la mida sida Ciidamada Liyuupolice ay uga sifeeyeen Wixii loogu yeedhi jiray UBBO Dhamaanba Deegaanka in ay iyaguna ka Nadiifiyeen UK Aragti ahaan iyo Jiritaan ahaanba Dhamaan Boqortooyada Ingiriiska ayuu yidhi.

isku soo Wada Duuboo Madaxwaynaha oo aan la Qiyaasi karin dareenkisa Farxadeed ee ku aadan Sida Qiimaha Badnayd ee ay Dhamaanba Qorshayaashii iyo Shirarkii Goos-Gooska ahaa ugu Dhamaadeen iyadoonan wax Amnidaro ah jirin ayaa Hogaaminta Jaaliyada DDSI ee Uk Amaan iyo Mahadcelin ku aadan Waxqabadkoodii Hagar la'aaneed iyo Khibrada Hanaanka casriga ah ee ay ku gaashaaman yihiin kana Duwan kuwii hore kuna Booriyay in aynan Marna ka xagal daacin Waxqabadkooda ku aadan ka Qaybqaadashada Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban