Jaaliyada DDSI ee UK oo Xaqiijisay Xidid u Siibida UBBO oo Ku Soo Hadhay Kaliya Dadka Ku Nool 3da Guri ee Awrkiraalayaasha UBBO Iyo Diiwaangalin Xubnihii London Looga Fagaareeyay(Baxsaday).

London(CN) Jaaliyada Uk ayaa Sheegtay in ay Gabi ahaanba Xididada uga siibeen UBBO Aragti ahaan iyo Jiritaan ahaanba Cariga Ingiriiska si la mida Sida ay Ciidamada Geesiyiinta Liyuupolice uga Dabarjareen Jiritaanka UBBO Deegaanka,islamarkaana ay u Mideeyeen Qurbajoogta ka soo jeeda 9ka Gobol ee uu Deegaanku ka kooban yahay ka Qaybqaadashada Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban taasoo Candhuuftii Dib ugu Celisay Beenquutayaashii Ku Qaraaban jiray Magaca UBBO oo Muraaradilaac awgii naftooda ula cararay Sweden iyo Finland kadib markii ay Lafahooda Halis Galiyeen Mawjado Qurbajoogta UK ah iyo Hogaaminta Jaaliyada UK oo Sugtay Kor uqaadida iyo Iskuduubnida Dhaxal-galka ah ee ka Dhaxaysa Qurbajoogta ku Dhaqan Ingiriiska.

Hogaaminta Sare ee Jaaliyada DDSI ee UK ayaa Sharax Dheeri ah ka bixisay Midnimada iyo Iskuduubnida ka dhaxaysa Jaaliyada iyo Qurbajoogta ku Nool Boqortooyada Ingiriiska taasoo ay Wakhti iyo Xilkasnimo Dheeri ah Lagaliyay iyadoona Jaaliyada London ay Tusaale u soo Qaateen in Sida Ciidamada Liyuupolice ay Sifeeyeen Deegaanka UBBO in ay Iyaguna Jaaliyad ahaan ay Ku Guulaysteen in ay uga Fuuq-fuuq gooyaan Shaqsiyaadka UBBO la halmaala Sida Ina Cumar dacay,Diirane iyo Maadey in ay London ku ladaan kana Gumaadaan Shacabkooda iyadoona ay jaaliyadu Sabab uga Dhigtay Maadaama ay xaqiiqsadeen in aynan Suurtogal u ahayn waxqabashada Shirarka ka Dhacaya London iyo Madaxwaynaha DDSI ee Tamashlaha iyo Baaskiilka ku Taxaashaya London ka dibna Muraara-dilaac ula firxadaan Sweden iyo Finland Balse ay Qaylo Dhaan Telefoon ugu Soo Direen Xaasaskooda ayay Jaaliyadu Xaqiijisay.

Jaaliyada ayaa ku Nuux-nuuxsatay in ay 3da Iblays ee kor ku xusan si ay Xisaabtii Asmara Iskaga Xidhaan iyagoo Lafahooda la cararay si ay Cimridherer ugu Noqoto Anagoo Maqan ayaa La Yimid oo la Shiray taasoo xaqiiqda ka fog Balse halkay tabari dhigtay ahayd ayaa ay Telefoon uga soo Direen meelahay tageen Xaasaskooda Jooga London Tusaale Ina Cumar dacay ayaa Telefoon u soo Diray Xaaskiisa ARDO-ADAG isagoona Leh"Hooy Hooy Ardo-Adageey Hada Waa Xisaabxidhka Gasiinkii aynu Cuni lahayn ee ha moogaan Anigu Naftaydaan la baxsadaye. Hogaaminta Jaaliyada ayaa Wax laga yaxyaxo ku tilmaantay in Wax a kari waayeen Ina Cumar Dacay,Diirane iyo Maadey oo ay Iyaguba Muraara-dilaac awgii Beegsaday Orod in ay Caruurtooda iyo Xaasaskooda oo aynan Cid kale Wehelinin in ay u soo Diraan ku banaanbaxa Shirka Nasiibdarana ku Noqotay in ay ku soo beegsadaan Baaxada Shirka Balse lagaba badbaadiyay in Caruurta iyo Xaasaska Oromada ah ileen Hunguri Wadkii Ma arkee in lla Dhibaateeyo kaliya waxaa u cad uun Qaadhaan iyo Shilimada Xisaab-xidhka ay kaga Helayaan Asmara.

ayaa Shaaca ka Qaaday in ay Dhawrkii Dabada sii hayay Aragtida UBBO ee loo Gole baneeyay loogana baxsaday Khiyaaligii in ay Garwaaqsadeen in Wadada saxda ah ay tahay Tubta Nabadgalyada iyo Horumarka oo ka Turjumaysa Xornimada,Sharafta iyo Xuqquqaha Danimo ee Shacabweynaha DDSI 3dan Maanlaawana Yihiin Shirkad Kacday oo Qaadan islamarkaana ka soo Baxeen Mawjadihii Beenta iyo Mala-awaalka UBBO kana dhakafaareen Tabarxumada iyo Jahawareerka Mugdiga ah ee ayna rabaan in ay u sii socoto kana Dayriyay in ay Ina Cumar dacay iyo Colkiisii ka baxsadaan London hadana Fulaynimo iyo Xisaabxidhka Asmara Darteed Xaasaskooda Telefoon ugu soo Diraan.

Hadaba Xubnihii aan awalba Tiradoodu yarad ee UBBO ayaa iska Diiwaangalinaya Jaaliyada UK ee London kana Dalbaday Cafis Madaxwaynaha iyo Hogaaminta Jaaliyada iyadoona sida Warku nagu soo gaadhayana sii marayaan Taageerayaashii iyo masuuliyiinta UBBO u joogay London ee Diiwaanka Xalaasha ah lagu Qoray ilaa 20 Xubnood islamarkaana ay Jiraan Qaar Magaalooyin kale Telefoon ka soo Diray oo Ilaa beri subax la diiwaangalin doono iyagoona Sheegay in wax kaga danbeeya UK iyaga ka dib in aysan jirinba.