Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Madxwaynaha iyo Shirkadaha ugu WaawaynUK oo Maanta Qalinka Ku uugay Heshiis Maalgashi oo Dhexmara.

london (CN) 20/01/2014 Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa Maanta Kulan Kula Qaatay central london Shirkadaha ugu Waaweyn Dalka ingariiska Kulankaasi ayaa uu ku wehlinaayay Wasiirka Beeraha DDSI Kulanka Maanta uu Madaxweynaha kula Qaatay Shirkadaha Ingariiska Ayaa ay kaga hadleen Dhanka Sonkorta iyo Warshada sonkorta oo la Rabo in Deegaanka laga dhiso iyadoona uu ku soo gabagaboobay Heshiis labada Dhinac ay kuwada Saxiixdeen.

Madaxwaynaha DDSI ayaa Tilmaamay inNuxurka shirka ay isku Afgarteen shirkadaha in ay Maalgashan doonaan Warshada weyn ee laga dhisi doono Deegaanka taaso ay soo saari doonta Sonkorta.

Dhanka kale Ayaa madaxweynaha kula kulmay Hotelka uu ka dangan yahay london Maalqabeeno u dhashay Deegaanka Ayaa ku Qaabilay Hotelka maalqabeenada ayaa soo bandhigay Mashaariico maalgashi ah Dhanka dhismaha iyo Ganacsiga kala duwan ee fursadaha ka jira ee deegaanka DDSI Taasoo uu soo dhaweeyay madaxweynaha deegaanka somalida mudane Cabdi maxamuud Cumar kadibna sharaxad guud ka siyay soona dhaweynayo Shaqsi kasta oo jecel in uu maalgashto deegaanka ay Xukuumada DDSI ay gacmo Furan ay ku soo dhaweynayaan