Waraysi Xiiso Badan oo Aanu Khadka Telefoonka Kaga Qabanay Madaxwaynaha DDSI oo Ku Sugan.

London(CN)ninba Waa Markiisee Mus Ma Kula Koray Inagama dahsoona Wadarahaanteen Taariikhdii Mugdiga ahayd ee uu Deegaanku soo maray Hagardaamo Shacab iyo waxyeelaynta Jidgooyadii lagu hayay wado kasta oo Shacabweynaha DDSI ee u oomanaa Helida Daryeel iyo Adeegyada aasaasiga u ah Nolosha Binuaadamka laguna wada xasuusan karo talaabooyinkii Ahliga ahaa ee Gadaafooyinka iyo xasuuqa ba'an lagula beegsaday inta badan Degmooyinka Sida Xasuuqii waxashnio ee Gunagado,Maraacaato,Haarcad,Dhoobo-madow,Caado,Qoriile,xamaro iyo Goobo kale iyadoona falalkii lagula kacay ee lagu xasuuqay Birimagaydada Dadkii gaystay aan Marnaba lagu tilmaami kari Kuwo ka damqanaya Shacabka ama ka turjumi karaba kuwaasoo ahaa Dabadhilifyada Asmara ee UBBO oo Qandaraas Xasuuqa Shacabka laga soo siiyay Eriteriya.

Inkastoo ku dhawaad 20sano ay Quutul-daruuri u Noqdeen Shacabka Hagardaamooyinka iyo Xasuuqa Arxan la'aaneed ee ay kala Kulmi jireen UBBO Balse Waxaa ka Gilgilatay Dhibaatadii shacabka Deegaanka ay dhaxalsiiyeen UBBO wehelka Arxan-darana uga dhigeen Xasuuqa,Kufsiga,Dhabar garaacashada gabdhaha,Gawraca,Gubida iyo Boobka Hantida Shacabka ka dib markii ay Xukuumada Maanta ee uu Hogaankeeda hayo Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo Durbadiiba Salka u Dhigtay Qorshe lagaga Dabar-jaro Awrkiraalayaasha ASMARA ee Dhaxalka uga Dhigay Cududii Shacabka Deegaanka Gumaad,Dil,Dhac,Kufsi iyo bahdilaad taasoo ahayd Qorshe ama Qandaraas uu Isayaas soo siiyay Damaciisuna ahaa in uu Dagaalka Xuduuda labada Dal ee ay Itoobiya kaga Guulaysatay ku naafeeyo Xasuuqa Shacabka DDSI.

Muhandiska Qorshihii Salka u Dhigay Nabadgalyadii Deegaanka,Tirtiray Aragti ahaan iyo Jiritaan ahaanba Qalinshubatadii Gofanaha ku ahayd Shacabka Deegaanka iyo tabihii Horumar Waara iyo isbedel kobac Dhaqaale lagu gaadhsiin lahaaba una Kiraysnaa Eriteriya ee Sumadoodu ahayd UBBO ayaa uu ahaa Madaxwayne Mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo Ahmiyada 1aad Siiyay Xiligii uu xilka Qabtay Sugida Amniga Iyo Horumar babar Socda. Dhanka kale madaxwayne CMC ayaa ku guulaystay in uu xidhiidh wanaagsan ka dhex abuuro xukuumada iyo Qurbajoogta iskuna Xidho Qurbajoogta iyo Ehelkoodii ay Kala Dhexdhigeen Beenta salka iyo Raadka lahayn UBBO.

Hadaba Wariyaha Cakaara ayaa Khadka Telefoonka Kula Xidhiidhay Madaxwaynaha DDSI islamarkaana Wax ka Waydiiyay Sida ay hawlihiiuu u Tegay Ugu Qabsoomeen,Heerka Ay gaadhsiisan tahay Abaabulka iyo Taageerada Qurbajoogta Uk iyo Waxa ka jirain ay Qabqablayaahii UBBO u Gole baneeyeen Xiligii ay London Ka Dageen.

Madax-waynaha ayaa Ku jawaabay in uu ugu Horayn u Mahadnaqayo Jaaliyada UK oo ah Kuwa Sugay in ay Shirarkii Sidii la rabay Uga Qabsoomaan London kuna Timid Hawlkarnimo iyo Xeelado ay kaga Nadiifiyeen UBBO Cariga UK.

Madaxwaynaha ayaa Tibaaxay in Dhamaanba Shirarkii Goosgooska ahaa ee uu La Galay 9ka Gobol iyo Maalqabeenadaba in uu Hotelka uu Degan yahay Ku Qaabilayay Kaasoo u ahaaba Xafiis uu Ku shaqeeyo Heerka iyo Nabadgalyada ka jirta London.

La Soco Qaybta 2aad.