Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Daliil kale Uma Baahna 3da Xaafadood ee Shirtay Shirkad khasaartay Mise Xisaab-Xidhkii Asmara(Hakbad,Tacsi Mise?).

Sweden(CN) Talaao Jan-21,2014. UBBO jabaaaaay:- Caad inagama saarna in ay Waadix tahay in UBBO isugu soo biyo-shubatay 3 Guri iyo Jaariyadaha Ku Nool waana Arin ina Tusaysa in Orodkii Dheeraa ee Naf lacaariga ay lafahooda ugala soo baxsadeen 3da Maanlaawe Magaalada London ay Gartood ahaydoo Garawsadeen Tabaryaridooda iyo in aynan haba yaraatee wax Gacmaha ugu jira oo ay ku sii Naas Nuujiyaan Qoysaskooda in ayna Meesha ka soo Naasa-cadayn oo ay Gole laga wada Huleelay Taagan yihiin sidii Ninkii Indhaha la'aa ee inta uu Nin Indho Qaba Dharbaaxo ku Jiiday kadibna inta Orday Banaan Cidla ah ku Gubaday ka dibna uu soo Duljoogsaday Ninkii Indhaha Qabay kuna Yidhi walee Xaashi Indhooloow Bar nag ah ayaad Fadhidaa Ileen Naxdintuba Waa Anfariirkan".

Gundhiga iyo Nuxurku waxay yihiin Shir kusheegii waayadan UBBO nafta ku maaweelinaysay ee la lahaa Waxaa Sweden ka Dhici doona Shir ay Cududa Habar-Dugaag oo dhan ka soo qaybgali Doonto Cirka iyo Dhulka awooda u dhaxaysa waa UBBO waxaan Maqli jiray Makhaayade kacay maqalkuu ku Meeraystaa waa tanoo kale bal eega Xaafadan iska soo Horjeeda,Luloonaysa ee hadana tabar-yaridooda Awgeed Madaxa Hoos u Foorarinaya waxaase iiga sii Daran Caruurtan yar yar ee lagu anqariyay Qaadhaanka.

Shaki kuma Jiro in damacoodu yahay kaliya in ay Muuqaal ay iskaga Xidhaan Xisaab-xidhkii Asmara in ay u xayteen kaliya sawiradana ay caruurtooda iyo xaasaskooda la galeen walow ay Ina Cumar Dacay,Maadeey iyo Diirane Dhaafi Waayeen"Nin Baa Hore u Yidhi Kolay nabada Waa la wada Qaadan Balse Waa loo kala Horayn Waa Tan Maanta". Akhristayaasha Sharafta Mudanow ishaa kuu Macalina Waadna la socoteen London iyo Madaxwaynaha oo Baaskiil ku taxaaashayay Xaqiiqsana odhaahdii"Markaan Soo Dul-joogsaday UBBO-da Jahawareersani Jabaqda Daysaa".Xabaal iyo Ninkeed loo Kala tag. Murtida kadanbaysa ayaa ah Mid Dib inoo Xasuusinaysa Xiliyadii Garaamkii Qaxootiyada ee Caruurta lagu badsan Jiray (Kaar 3le ah).

Isku Soo Wada Duuboo Wacdarihii Taariikhiga ahaa ee London iyo Madaxwaynaha DDSI iyo Jabka Muuqda ee UBBO ku Dhacay UBBO jabaaaaaaay Maleeshiadii UBBO ee La dabarjaray ayaa Odhan Jiray Anagoo Hurudnaa La Maray Maantana 3dii london ka soo Carartay ee Xabaal-Qodkoodii Sweden Ku Cunaya ayaa Yidhi Anagoo Ka Maqan ayaa London la Yimid.