Xuska maalintii dhidibada loo Qotomiyay Xukuumada DDSI ee 15ka-dir oo Maanta Siwayn Looga Xusay Xarunta Deegaanka ee jigjiga.

Jigjiga(CN)Waxaa maanta si aad u balaadhan oo meeqaan sare ah looga xusay guud ahaanba deegaanka xuska maalintii dhidibada loo taagay dawlada deegaanka soomalida. Haddaba sidaan wada ogsonahay deegaakeenu waxa uu la kowsaday xiligii nidaamka dimuqoraadigu uu ka curtay dalkeena itoobiya markii ay xoogagii bahoobay ee EPRDF ay xukunta ka tuureen cadaadiskii dhiigya cabka ahaa ee dhargigii.

Waxayna markiiba EPRDF bilowday Gole loo dhan yahay oo ay qoowmiyadaha iyo shucuubta dalka itoobiya ku ansaxiyeen dastuurka qaranka kaasi oo keenay Aqoonsi,Xaqdhawr,Cadaalad,Dimoqraadiyad,Walaalnimo in ay qoomiyad walba iskeed isku horunmariso. Haddaba 15 dir waa maalintii la yagleelay amaba la sugay Xuquuqihii Qowmiyadeed laguna Suntay Dastuurka DFI,islamarkaana xukuumadii ugu horaysay ee DDSI ee aan helnay dhamaan xuquuqaha dastuuriga ah ee inaga maqnaa mudo badan sida arimaha siyaasada horumarka iyo ka faa-iidaysiga nidaamka dimuqoraadiyada.

Sidaasi darteed ayaa maanta xarunta deegaanka ee jijiga waxaa ka dhacday munaasabad aad u baladhan oo lagu waynaynayo maalintaasi ka soo askumantay halgankii EPRDF ee Neecawda Dimoqraadiyadeed lagu Helay,inkasta oo aanay xukuumadihii hore ee ka soo talin jiray deegaanku dareemin ahimiyada ay leedahay maalintani, ayaa waxa maalintani qiray ahmiyada badhan ee ay shacabka u leedahay xukuumada imika ka arimisa deegaanka waana markii 2aad ee laga xuso deegaanka.

Munaasabadan Qadarinta iyo Maamuuska Mudan ayaa ka ka dhacday dabaaldagani hoolka shirarka ee SMCX waxaana ka soo qayb galay ku simaha madaxwaynaha DDSI ahna wasiirka horumarinta magaalooyinka mudane c/xakin cigaal cumar 2 madaxwayne ku xigeen afhayeenka baarlamanka mudane maxamed rashiid isaaq dhamaan hogala wasiirada DDSI, shaqaalaah dawlada, suldaanada, garaadada odayaal dhaqameedka, haweenka dhalinyarada, qurba joogta u dhalatay deegaanka, koxaha fanka iyo suugaanka DDSI iyo waliba marti sharaf kale.

Munaasabadan ayaa uu ugu horayntii ka hadlay oo khudbad dheerka soo jeediyay munasabadan afhayeenka baarlamaanta DDSI ahna gudoomiyaha XDSHSI mudane maxamed rashiid isaaq waxaana ka mid ahaa khudbadiisa”15 dir waxay umadeena deegaanka soomalida itoobiya u horseeday in aan maanta hanano nidaam dawladeed oo ku salaysan rabitaanka shacabkeena una taagay in aan ka jawaabno baahida shacabkeena, waxayna maalintani baal dahab ah kaga jirtaa taariikhda deegaanka somalida itoobiya” waxaa kale oo uu sheegay afhayeenku in wakhtigii la aas aasay dawlada deegaanka soomalida itoobiya uuna lahayn wax la tilmaami karo oo la xidhiidha adeega bulshada maantana uu ka taamyeelay horumar balaadhan guud ahaanba deegaanka.

waxaa kale oo isaguna ka hadlay munaasabadaasi ku simaha madaxwaynaha DDSI mudane c/xkiin cigaal cumar oo si qoto dheeer uga waramay ahmiyada ay maalintani u leedahay guud ahaanba shacabka deegaanka iyo in ay inaga mudan tahay in aan siwayn ugu dabaal dagno, waxaa kale oo uu toosta ka xariiqay ku-simuhu in ay tahay xuskii 2aad ee maalinta qaranimada deegaanka.

Ku-xigeenka Madaxwaynaha Mudane C/laahi Yuusuf Weerar ayaa Sharxay heerkii maalintii lagu yagleelay taagnayd iyo heerka ay maanta marayso wuxuna sheegay in ay maanta laba muuqaal oo kala fog isku garab yaalaan maalintii diridhaba lagu lagu aas aasay xukuumadii ugu horaysay deegaanka iyo muuqaalka ay hada leedahay xukuumada deegaanku. Taasina ay tahay tan maana loo dabaal dagayo maalintaana ayna jirinba waxa la odhankaro waa dawlad balse dadaal dheerka dib tahay tan maanta.

Mar uu ka hadlayay C/laahi Yuusuf Weerar farqiga u dhexeeya xiligaa iyo maanta ayaa waxa uu sheegay in ay maanta tahay Xukuumadu dawlad xoog leh,ciidan leh,horumar leh,dhaqaale balaadhan leh islamarkaana haysada shacab ku baraarugsan ka qaybgalka horumarka iyo xasilinta amniga.

Isku soo Wada Duuboo Dhamaanba 68da Degmo,9ka Gobol iyo Dhamanba dalalka Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ayaa Si wayn looga Xusay Maalintii Didibada loo Taagay Xukuumada DDSI oo loo aqoonsaday 15ka Bisha Dir taasooy u aqoonsatay Ansaxinta Munaasabadan Xukuumada Maanta ka Talisa Deegaanka oo ah sanadkii 2aad ee DDSI laga Xuso.