Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wareegii 6aad ee Ololaha Talaalka Cudurka dabaysha(Polio) oo Ka Bilaabmay DDSI iyo WHO oo Ka Dayrisay Hagrashada Cudurkan sii Dabadheeraaday (maxay Tahay Sababtu?) Hoos Kaga Bogo Daraasaaad ay Ka soo Sameeyeen Kooxaha Dabagalka Qarsoon.

Jigjiga(CN) Sabti Jan-25,2014. Waxaynu wada ogsoonahay in Deegaanka uu ka jiray Sanado badan Barnaamijka Ololaha Talaalka Cudurka Dabaysha(Poliyada) oo Caruurta da'doodu ka hoosaysay 5jir hada ka hor lagu talaali jiray Walow 2dii Wareeg ee ugu danbeeyay 5aad iyo 6aad Bil Gudaheed lagu talaalay caruurta Da'doodu ka hoosayso 15 sano Si rasmi ahna Shalay uga Bilaabmay Dhamaanba Deegaanka.

Munaasabad Shalay ka Dhacday Xarunta Caafimaadka ee xaafada 4aad Gaar ahaan aayar-daga oo ay Goobjoog ahaayeen Ku-xigeenka Xafiiska caafimaadka DDSI C/fataax Siciid,Agaasinka Cudurada Faafa Cumar,hawl-wadeenada Caafimaadka iyo Mid ka mida Kooxaha fanka Deegaanka oo Heeeso ku maaweelinaysay barnaamijkan ayaa lagu talaalay caruurtii ugu Horaysay Afkana loogu Dhibciyay talaalka.

Dhanka kale Waxaa Sanadkan Gudihiisa oo la marayo dhamaadka Bishii 7aad(Dir) si isdabajoog ah looga Hirgaliyay 6-Wareeg oo ololaha talaalka Cudurka dabargoynta Dabaysha ah taasoo u Dhigan in 6dii Bilood ee tagay in Bishiiba laga fuliyay Hal Wareeg oo ah talaalka Poliyada Dhamaanba Deegaanka.

Hay'ada Qaramada-Midoobay laanta u Qaabilsan Caafimaadka Aduunka(WHO) ayaa iyadu Ka Maantaagaynaysa waayadan Danbaba islamarkaana Khaatiyaan ka Taagan Cudurkan Dabaysha ee ay halkii Wareegba ku bixiyaan Aduun lacageed oo kor u Dhaafaya 12Milyan oo Bir balse aan wali ka Dabar-Go'in DDSI iyadoona lagu Arkay Astaanta Cudurka Dabaysha Gobolka Doollo kana fajacsan in Badii lacageed ee ay ku harqinayeen Deegaanka Sanadba sanadka xiga in ay Jirto Xanfalay dabamarisa amaba miisaaniyada loogu talogalay karkaaka waydaarisa ujeedadii laga lahaa talaalka Polioyad iyo in Commitment Buuxa uunan ka jirin xafiiska Caafimaadka.

Daraasaad ay Samaysay WHO ayaa ay ku sheegtay in ay ku wareereen warbixinta Murugsan ee uu Xafiiskacaafimaadka DDSI u soo Gudbiyo islamarkaana aan Sidii loogu Talogalay aan caruurta Deegaanka loogaga samato-bixininin Aafada Cudur-Dilaacyada uu ka Mid yahay Cudurka Dabaysha oo Naafeeya Lixaadka caruurta. Laanta Qaramada Midoobay u Qaabilsan Caafimaadka Aduunka(WHO) ayaa iyagoo Udbahoodii iyo Dhigihiiba Wata Dhawaan Si lama Filaan ah ay Booqasho ugu Yimaadeen madaxdii ugu saraysay DDSI iyagoona Walaac ka Muujiyay in Deegaanka Soomaalida Itoobiya aan weli loogu hagar-baxsanayn(Ka Go'nayn) Sidii Cudurka Dabaysha looga Dabarjari lahaa Deegaanka balse aynan wali Jawaab Sugan u Helin WHO halka Baruurtu ka Qudhunsan tahay ee u saamaxday Cimri Dhererka in uu wali ka sii jiro Deegaanka halka dalalkii la mida ahaa waa hore laga Faraxashay.

Laanta WHO ayaa Maan Bareey iyo Maan Bilaal Ku Tilmaantay Sida Qaramada-Midoobay ay ugu Hagarbaxayso ka Badbaadinta Sidii looga dabargoyn lahaa Cudurka Dabaysha(Polio) Deegaanka ugana Go'an tahay in looga badbaadiyo Caruurta Soomaalida ee uu laxaadkooda Kala Dhantaali karo Cudurkaniislamarkaana Aragti ahaan ay ku kala Duwan yihiin Madaxda WHO Asbaabaha Sababay in uu ku sii daba Dheeraado Cudurkani DDSI kuna jahwareersan yihiin halka ay Salka u saari lahaayeen Bu'da Dhibaatadu ka sii jirto,Ma Xukuumada ayaanan ka Qaybqaaadan,Mise Xafiiska Caafimaadka DDSI ayaanan Sidii la rabay ugu hagar-bixin islamarkaana aynan ka Go'nayn Dabargoynta Dabaysha(Polio).

Sidoo Kale Xubnaha dabagalada Qarsoon,Ilo lagu kalsoon yahay iyo Ilqoodhkaayaa Iyagu daraasaad ay ku soo sameeyeen Cudurka dabaysha ee aan wali maaro loogu Helinin in laga dabarjaro DDSI ayaa iyagu Warbixin sababaysan ku soo Xusay in uunan xafiiska Caafimaadka DDSI sidii la rabay ugu hagarbixin la Tacaalida iyo dabargoynta Cudurkan oo halkii wareegba Ku baxdo Miisaaniyad aad u Badan oo Dhakafaar ku Noqotay isbarbardhiga Heerka waxqabadka iyo Baaxada Miisaaniyada ku baxda oo kaaf iyo kala Dheeri ah.

Ololaha talaalka dabargoynta Cudurka Poliyada ee laga Hirgaliyay Guud ahaan Deegaanka ayaa sii cagacagaynaya Sanadkan Gudihiisa wareegiisii 6aa iyadoona ay ku baxday Halkii wareeg Miisaaniyad Dhan 12 Milyan iyadoona Guud ahaan 6da Wareegna ay ku Baxday Aduun-lacageed oo Dhan 6x12milyan = 72Milyan.

Qaybaha Dabagalada Qarsoon ayaa aaminsan in aan Miisaaniyada Sidii ay Deegaaanka oo Dhan uga Suulin lahayd Astaamaha Cudurka dabaysha ku DhacaCaruurta aan loo Maareeyn Sidii Sharcigu ahaa iyadoona sida Sharciga ah Qorshaha Hirgalinta Barnaamijka Talaalka Poliyada ay u xusan tahay inGaadiid ku Filan Dhamaanba 68da Degmo,9ka Gobol iyo 4ta Ismaamul Magaalaba loo Kireeyo si loo Madax taabto taako kasta oo Deegaanka ka mida lagana Heli karo Caruur gaadhay da'da talaalka.

Dhanka kale baadhitaan uu sameeyay wariyaha Ilqoodhka CakaaraNews ayaa Dhalaxda ku soo taabtay Ololahan Qawda Maqashii Waxna ha u Qaban ee lagu Dhakafaaray in ay Sabab u yihiin Asbaabahan Marka Hore Xili ku haboon xafiiska Caafimaadku uma Sameeyo Diyaargarow Balaadhan,wacyi-gelin Heer Deegaan ilaa Heer Tuulo ah lama sameeyo,Joogto looma Isticmaalo warbaabihinta Deegaanka oo ka mida Qorshayaasha ugu Waawayn ee waalidka loogu Baraarujiyo Cudur-Dilaacyada iyo Faaiidada Talaalka oo ah Badbaadada Caruurta,Iska daa Masuuliyiinta Xafiiskee xataa Agaasinka u Qaabilsan ka Hortaga Cudurada Faafa Xafiiska Caafimaadka DDSi ayaanba u Guntanin in uu Indhihiisa ku soo Arko Gobolka Doolo ee lagu soo Arkay Caruur uu ku Dhacay Cudurka Daysha,Balse hal malaga yaabaa in Xafiisku ka wada siman yahay Sidii WHO loogu Malmaluuqi lahaa Sanadkasta Warbixin ku saabsan in uu Wali ka Sii jiro DDSI Raadka Cudurka Poliyada.

Isku Soo wada Duuboo Cudurkan Dabaysha ama Poliyada ayaa Deegaanka looga Yaqaanaa Fursada ugu Dhibka yar ee lagu Heli karo Kuus lacageed,halka WHO ay Ka Deyrisay halka uu dabargoynta Cudurkan ay Lacagta Sanad kasta la Dabataagan tahay uu ka sii Daba-dheeraanayo,taasoo Nasiib daro ah in maanta oo la haysto Xoogaga Ciidanka Liyuupoliceka oo hantay Dhamaanba Amniga Deegaanka in loogaga faaiidaysan waayo Fulinta talaalka ilaa Heer Tuulo Talaalkan sii Maraya ka sakow Sanadihii Hore 6-wareeg Sanadkan in DDSI laga Hirgaliyay  .

F.G:Wixii Ka soo Kordha faahfaahinta sida a wax u jiraan iyo Xogta shabta ah aynu ka wada sugno Wariyaha Ilqoodhka oo Tooshka ku haya.