Melbourne oo Si Weyn Looga Xusan 15ka-Dir oo Ah Maalintii La Askumay DDSI.

Melbourne(CN)Sida wariyahayaga Nooga soo warama dalka Australia uu noo soo sheegay Waxaa Maanta ka Dhacday Magaalada Melbourne Munaasabad Qado-sharaf ah oo ay Soo agaasimeen Jaaliyada DDSI (assiosiation of Somalis Ethiopian of Australia). Warka ayaa intaa ku daraya in xafladan Qado-sharafta ah ujeedadeedu ahayd Kulan ay Wadajir ugu xusayeen ama lagu qadarinayay Maalinta Ahmiyada wayn ugu Fadhida Dhamaanba hacabweynaha Deegaanka Dalka iyo Dibadba oo ahayd Maalintii Dhidibada loo aasay Xukuumada DDSI 15kii Bisha Dir ee Sanadkii 1992EC Dhamaanba Xuquuqahoodii heleen Soomaalida Itoobiya .

Munaasabadan ayaa ay ka Qaybgaleen Qurbajoogta ka soo Jeeda DDSI ee ku Dhaan Melbourne iyadoona ay Halkaa kaga warbixiyeen Qiimaha wayn ee ay Maalintani ku Fadhido Qaar ka mida Masuliyiinta Jaaliyada kana Mid ahaayeen Faysal Ibraahin oo sharax dheer ka bixiyay Mudnaanta iyo Ahmiyada balaadhan ee ay shacabweynaha DDSI ugu fadhido maalintani.

Mudane Faysal ayaa Tibaaxay in Fursadaha Dimoqraadiyadeed iyo isbedelada Horumarka Guud gaar ahaana kuwa aasaasiga ah ee hirgalay Deegaanka Sida Waxbarashada, Caafimaadka, Beeraha, Isgaadhsiinta,Helida Biayaha nadiifta ah,Waraabka iyo Dibudejinta,wadooyinka,Quwada Korontada laydhka 24ka saac iyo Kobaca Magaalooyinka Deegaanka ay Ku timid midhihii ka dhashay Halgankii EPRDF iyo Xukuumada Maanta oo Guntiga u Xidhatay ka jawaabista Baahiyaha Shacabka Deegaanka.

Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay Mudane Ibrahin Adan Yare(ilkacase) iyadoona uu ka faalooday farqia u dhaxeeya Itoobiyadii shalay ee cadaadiska ku dhisnayd iyo itoobiyada maanta ee Sugtay dhamaanba xuquuqaha Dastuuriga ah ee Qowmiyadaha Dhaxalkana uga Dhigtay Dastuurka Dalka ee Xeerinaya XaqaSinaanta,Cadaalada,Walaalnimada,Iskaashiga iyo Xaqdhawrka Aqoonsiga Kobcinta Qowmiyad walba Luqadeeda iyo Dhaqankeeda meeshana ka saartay kala Qoqobnaantii Qowmiyadaha,isagoona ugu baaqay Damaan Qurbajoogta ka soo jeeda DDSI ee ku kala nool Daafaha caalamka siiba kuwa australia ku dhaqan in ay Doorka kaga aadan Horumarka,N/galyada iyo Maamulka Suuban Qaybtooda ka qaataan islamarkaana Deegaanka la Maalgashado.

Dhanka kale marwo Faadumo Shaafici ayaa warbixin Xiiso badan oo soo jiidatay Dhamaanba Qalbiyada kasoo qaybgalayaasha taabanaysayna Dhinacyo badan oo daliil u ah isbarbardhiga heerka iyo Nolosha shacabka Deegaanka xiliyadii Talisyadii Shuuciga ahaa ka talin jireen Itoobiya,Neecawda Dimoqraadiyadeed ee Itoobiyada maanta laga helay Heerka Nolosha Shacabku gaadhsiisan tahay Maanta,Taariikhdii DDSI ee la uusxabaalay Sida maanta ay u soo Mudhbaxday,Dhamaan Deegaanada DFI sida ay Maanta u Qireen Miisaanka iyo Aqoonsiga Buuxa ee ay Soomaalida Itoobiya ku leedahay Dalka Itoobiya iyo Mudadii Gaabnayd ee ay Xukuumada Maanta ee uu Hogaankeeda hayo Mudane Cabdi Maxamuud Cumar Dhamaanba Natiijooyinka Midhadhalka ah ee kor ku xusan ka taabogalisay DDSI una Furtay Taariikh iyo Baal Cusub Shacabka Dal iyo Dibadba ayay Faadumo Tidhi.

Marwo Faadumo ayaa ku soo Gunaanaday Hadalkeedii in Deegaanku maanta marayo Meeqaamkii iyo Heerkii ugu sareeyay Dhan kastaba Abid sooyaalkii taariikheed ee la soo maray loona baahan yahay in lagu shugriyo ilaahay oo ay qadaray in aynu maanta goobjoog u ahaano waajibna inagu tahay wadar ahaaneen in ay gacmaha isuqabsano kana dhiidhino wax kasta oo caqabad ku noqon kara in uu dheeliyo heerka maanta aynu gaadhsiisanahay.