Madaxwaynaha Jubaland iyo Xukuumadiisa ayaa Tacsi Tiiraanyo Leh u Soo Diray Xukuumada DDSI iyo Qoyskii uu Ka Bxay Garaad Maxamuud Garaad Dool.

Kismaio(CN) Madaxwaynaha Jubaland State Sheekh Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe),Golaha Wasiirada JLS,Afhayeenka JLS iyo Kuxigeenadiisa ayaa Tacsi Murugo leh u soo Diray Xukuumada DDSI,Qoyskii, Caruurtii, Guurtida Dhaqanka iyo Ehelkii uu ka baxay Garaad maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi oo ahaa Garaadka Guud ee Beesha Absame iyo Adeerkood oo Maanta ku geeriyooday Maanta Isbitaal ku yaala Magaalada Diredawa lehna Waxaan eebe ka baryaynaa in uu Wadar ahaanteen samir iyo iimaan inaga siiyo Marxuumkana Naxariistii jano alle ka waraabiyo Aamiin Aamiin Aamiin.