Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Deg-Deg:Maydka Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi oo La Qorsheeyay in Beri Galinka Hore Lagu aaso Xabaalaha Sheekh ali Guure.

Jigjiga(CT)Waxaa goordhawayd ay Xukuumada iyo Gudiga loo xilsaaray Aaska Garaadka ay soo saareen Go'aan Sheegaya in la iskuwaafaqay In Beri-Subax abaarihii 10ka-Subaxnimo Si heerqaran ah loogu aaso Beri Subax Xabaalaha Sheekh Cali Guure ee Magaalada Jigjiga Marxuum GaraadMaxamuud Garaad Dool oo Maanta Duhurkii ku Geeriyooday Magaalada Diredawa.

Suldaan Khadar Maxamed Dheere ayaa Beri Qabriga korkiisa ka akhriyi Doona Taariikh Nololeedkii Garaad Maxamuud Garaad Dool garaad Xirsi iyadoona islagoobtaas lagu Caleemo saari Qofka bedeli doona Garaadka.