Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Garaad Maxamuud garaad Dool oo Si Qaran loo aasay iyo Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Loo Gudoon iyo Hawraarsan loogu Riyaaqay Caleemo Saaray Garaadka Guud ee Beesha Kuumade(Absame iyo Adeerkood).

Jigjiga(CN)Waxaa Maanta Si Heer Qaran ah loogu aasay Xabaalaha Sheekh Cali Guure ee Magaalaa Jigjiga Garaad maxamuu Garaad Dool Garaad Xirsi Garaadkii Guud ee Kuumade oo Shalay ku Geeriyooday Diredawa Maanta looma kala hadhin Saqiir iyo kabiir ka qaybgalka Aaska Garaadka oo looga kala yimid Dalalka Deriska iyo DFI taasoo ahayd Maanta Geeri Arooskeed.

Waxaa ka soo qaybgalay aaska Garaadka kuxigeenada Madaxwaynaha,Afhayeenka Baarlamaanka DDSI,Afhayeenka Golaha Federationka DFI,Ugaasyada iyo Salaadiinta Gobolada Somali land,Ugaaska Beesha Ciise,iimaamka Masjidka,Culumaaudiin iyo Shacab aan la xadidi karin Tiradooda oo Boqolaal kor u dhaafayay. Aaskan qaran ayaa laga Akhriyay Taariikh-Nololeedkii garaad Maxamuud garaad Dool garaad Xirsi Garaad Cumar Garaad Xirsi Garaad Farax Garaad Xirsi (Wiil-waal) taasoo uu akhriyay una Qornayd Sidan.

Isla Qabriga Dushiisa ayaa Maanta gudoon loo wada dhan yahay loogu riyaaqay in Garaadka Guud ee Kuumade oo laga soo Doortay isla Qoyska taasoo Lagu caano shubay in uu Noqdo garaadka Guud ee Kuumade(Beesha Absame iyo Adeerkood) Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Xirsi Garaad Cumar Garaad Xirsi(Wiil-waal).

Garaadka Cusub ee Kuumade garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool ayaa ay Beeshu isku waafaqday in Mucjisooyin Ifafaalo fiican oo ib u soo noolayn Doona Xeerbeegtii iyo Dhaqankii soo jireenka ahaa in uu leeyahay marka 1aad Magaca Garaadka oo ah Kulmiye ayaa la isku waafaqay Gudoon loo wada dhan yahayna hawraarsan loogu riyaaqay in uu Kulmin oono Dhamaan Beesha Kuumade(Absame iyo Adeerkood) Meel kasta oo ay Joogaanba in uu kulmin doono islamarkaana dib u soo noolayn doono Xeersankii iyo Xeerbeegtii ay ku haqmi jireen 12 ka mida Garaadadii Hore ee Beesha soo maray,Marka 2aad Maalinta la caleemo saaray oo ah Isniin in ay Tahay Maalintii Ambiyada la Diri jiray waa marka 3aade Markii Maanta Caanaha lagu Shubayay Garaad Kulmiye Garaad maxamed waxaa soo Kacday Dabayl yar waa marka 4aade Ma Dhicin abid in Sida loogu Dhanaa Aaska oo Geeri Arooskeed ahayd.

Munaasabada Caleemo Saarka Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool ayaa la filayaa in Dhawaanj ay ka Dhici Doonto Goob ka mida DDSI oo aan Wali la Cayimin iyadoona Xeersankaas oo ay ku soo Dhaqmi jireen 12 Garaad Maxamuud Garaad Doayaa Dhawaa.

garaad KULMIYE ayaa dad'diisa lagu qiyaasay 32 isagoona ah Aqoonyahan haysta shahaadada Degree una socoto waxbarashada masterka