Deg-Deg:- Warar Dheeri ah oo ka Soo Baxaya Qaabkii ay Ku Soo Galeen Ama Gacanta Loogu Dhigay Sulub Cabdi Axmed iyo Cali-dheere Hoos kaga Bogo.

Jigjiga(CN) Waxaa soo baxaya warar Xaqiijinaya Sida u sahashay in Ciidamada iyo Sirdoonka DDSI ay Gacantooda ugu Hubsadaan Qabashada 2dan nin ee lagu kala Mgacaabo Sulub Cabdi Axmed oo Xubnaha gudiga Fulinta UBBO ahaa iyo Cali Axmed(Dheere) oo Ka mid ahaa Golahooda Dhexe ahaana wakiilka u fadhiya Magaalada Nairobi. Hadaba Waxaa marag ma doona in Nuxurka Dhabta ah ee Ka danbeeyay Qabashadoodii uu ahaa in Sulub Cabdi Axmed oo ay Qaraabo yihiin ina cumar dacay uu Codsaday in la Qaabeeyo Qaabka uu ku Galayo Deegaanka loona ekaysiiyo in la Qabtay isagoona Sulub yidhi si aan intaa uun ugu Qanciyo Odayga iyo Qaar aan u soo Gole baneeyay.

Warka ayaa intaa ku daraya in lugtii horeba Sirdoonka ay isku sii afgarteen Sulub Cabdi Axmed in Goob Cayiman loo sii istaago si uu intaa uun Ixtiraam ahaan ugu qanciyo Ina Cumar dacay oo ay Qaraabo dhaw yihiin.

Waxaa Hubaala Ninkii ku Farxi iyo Ninkii Ka Nixiba in Qaabkii ay ku soo Xaroodeen Sulub Cabdi Axmed iyo Cali Axmed(Dheere) uu ahaa in ay Heshiis iyo wadahadalo hoose oo mudo socdayba ay isugu soo dhiibeen Ciidamada Goob ka mida Gudaha Ciida Dalka Itoobiya ahayna Meel ka baxsan Dhulka Itoobiya.

Hadaba Horaa loo yidhi "Hashu Maankayga Gadaye Ma Masaarbay Liqday" waana maanta ya  taagan oo ah in xili uu khilaaf ba'an ka dhaxeeyo Shaqsiyaadkii ku soo hadhay Hogaaminta UBBO-na uu Gacanta Ciidamada DDSI dhibyaraan ku soo galo Sulub? su'aasha 2aad ee mesha taal ayaa tilmaamaysa in Qaabka loo qabtay aysan gabi ahaanba ku tusayn kuwo wax cabsi ah qabay ama ku xisaabtamayay Xaalada dhabta ah ee Deegaanka ku jirta Maadaama si culus loo naafeeyay Maleeshiyadii ciidameed ee UBBO maskaxdana ka wayn tahay in ay Rag Masuuliyiintii ugu saraysa UBBO ah ay Baraad li'i iyo Digtooni la'aan Dhanka iyagoon wadan Ciidan amnigooda suga in ay Dhibyaraan ku soo beegsadaan in ay ka soo Gudbaan dhanka xuduuda kenya Xilli aad loo adkeeyay Dhamaanba Xuduudaha dalka.

Dhanka kale Khuburo ku xeeldheer Falanqaynta Khilaafaadka iyo Arimaha siyaasadeed Bariga afrika ayaa noo sheegay in Sulub Cabdi Axmed Hore ay Ciidamada Qaranku gacanta ugu soo dhigeen kuna xidhnaa xabsi ku yaala Harar Mudooyin,Balse markii danbe loo soo celiyay Xoriyadiisii ka dibna uu dib ugu noqday kooxdii ubbo ee uu ka yimid. hadaba iswaydiinta su'aasha odoroska iyo Falanqaynteeda ayaa ah Sulub oo Cadow ku ahaa Dalka islamarkaana Ciidamada Difaaca Qaranka Itoobiya Gacanta ku soo dhigeen maxay ahayd sababta inta la cafiyay oo la sii daayay uu Dhibyaraan ugu noqday kooxdii UBBO ee uu kaga yimid.

Sidoo kale ayuu yidhi Siyaasigan Turxaanbixinayay Arintan yidhina Horaaa loo yidhi "Hashu Maankayga Gadaye Ma Masaarbay Liqday" waana maanta ta taagan oo ah in xili uu khilaaf ba'an ka dhaxeeyo Shaqsiyaadkii ku soo hadhay Hogaaminta UBBO-na uu Gacanta Ciidamada DDSI dhibyaraan ku soo galo Sulub? su'aasha 2aad ee mesha taal ayaa tilmaamaysa in Qaabka loo qabtay aysan gabi ahaanba ku tusayn kuwo wax cabsi ah qabay ama ku xisaabtamayay Xaalada dhabta ah ee Deegaanka ku jirta Maadaama si culus loo naafeeyay Maleeshiyadii ciidameed ee UBBO maskaxdana ka wayn tahay in ay Rag Masuuliyiintii ugu saraysa UBBO ah ay Baraad li'i iyo Digtooni la'aan Dhanka amnigooda iyagoon wadan Ciidan amnigooda suga in ay Dhibyaraan ku soo beegsadaan in ay ka soo Gudbaan dhanka xuduuda kenya cgahana soo galiyaan Dhulka Itoobiya,Xilli aad loo adkeeyay Dhamaanba Xuduudaha dalka Tanoo xaqiijinaysa in Heshiis ay ku Soo calool adaygeen uu ka dhaxeeyay Ciidamada Deegaanka ayuu yidhi.

F.G:- Ha Sugi waayina Waxaa dhawaan la idiin soo Gudbin Doonaa Muuqaalo iyo Xogo dheeri ah oo ku saabsan laga soo bilaabo sii dayntii Sulub ka dib ilaa heshiiskii uu ku soo galay ee Nuxxurkiisu ahaa( ha loo ekaysiiyo in la i Qabtay si aan intaa uun ugu Qanciyo Odayga iyo Qaar aan u soo Gole baneeyay). Horaa loo yidhi Gari laba Nin kama wada Qosliso,walow sida aanu xog hoose ku helnay ay noo xaqiijiyeen in Rag kale ay wadada Sulub iyo Cali Dheer oo kale ay ku soo jiraan

Isku soo wada duuboo Jaaliyaadka iyo kooxda Qaadan-waagu ku dhacay ayaanu halkan uga cadaynaynaa in Nidaamkii ay Gacanta Dawlada Sulub iyo Cali Dheere in uu ahaa Nidaam Heshiis la isku afgartay oo ka dhaxeeyay labada dhinac.