Jaaliyada DDSI ee DENMARK waxay Tacsi u Diraysa Xukuumada iyo Qoyskii uu Ka Baxay Garaad Maxamuud Garaad Dool.

Denmark(CT)Jaaliyada DDSI ee Wadanka DENMARK ayaa waxay Tacsi u diraysaa Dhamaan Eheladii,Qaraabadii Asxaabtii iyo Beesha Absame iyo Adeerkood ee uu ka baxay Garaadkii Guud ee Beesaha Absame iyo Adeerkood Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi Garaad Cumar Garaad Xirsi Garaad Wiil -Waal oo ku geeriyooday Magaalada Diredawa Ilaahayna uga Baryaya in uu Naxariistii Jano ka waraabiyo Wadar ahaanteena Samir iyo iimaan inaga Wada Siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Dhanka Kale Jaaliyada Denmark ayaa tahniyad iyo Duco u soo Diraysa Garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool Garaad Xirsi oo loo Doortay Garaadka Guud ee Beesha Absame iyo Adeerkood.

Gudoomiyaha Jaaliyada Dhuux Cabdi Cumar