Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Xoolaha,Beeraha iyo Horumarinta Reer Miyiga DDSI iyo Xirfadlayaasha caafimaadka Xoolaha ee Ciidamada Liyuu-police ayaa Talaalka Xoolaha ka Fuliyay Senterka Buku-Dhaawa ee DEg,Awaare.

Bukudhawa(CN)JImce30,2014.Barnaamijyada Caafimaadka iyo fayodhawrka uu ka wado Deegaanka Xafiiska Xoolaha,Beeraha iyo Horumarinta Rer Miyiga ee Heer Deegaan ayaa ay Gadhsiiyeen Olalaha Talaalka Iyo Daaweynta Dhinaca Xoolaha Tuulada Bukudhawa oo ka mida Degmada Awaare ahna Dhul Daaqssimeed ay Xooluhu isugu yimaadaan.

Fulinta ololahan talaalka iyo Dawaynta Xoolaha ee Bukudhawa laga Hirgaliyay ayaa ay Wadajir ugafuliyeen xafiiska Xoolaha Beeraha Iyo Horumarinta Reer Miyiga Ee Degmada Awaare iyo Xirfadlayaasha caafimaad ee Ciidamada Geesiyiinta Liyuu-police oo Mudooyinkii Danbe u Guntaday ka Qaybqaadashada Dhanka Horumarka Bulshada.

Hirgalita barnaamijkan ayaa lagu daweeyay Xoolo Badan sidoo kalana laga Talaalay Cudurada faafa ee Xoolaha ku dhaca xoolo badan oo isugu jiray Geel,Adhi iyo Lo'. Qaybaha Bulshada ku dhaqan Bukudhawa ayaa aad u Bogaadiyay Talaabadan ay Xukuumadu kula tacaalayso Caafimaadka Xoolahooda.

Isku Soo Wada Duuboo Senterka Buqdhawa Oo Ka Mid Ah Sentarada Hoosyimaada Degmada Awaare Ayaa Qiyaastii U Jirta Xarunta Degmadaasi Inka Badan 30 Kilometers Waxayna Kamid Ahayd Goobihii Horey Hadhagii Nabadiidka , Nololdiidka , Horumardiidka UBBO Horey U Waxyeeleyey Hasayeshee Bulshada Ku Dhaqan Ayaa Ku Guuleystay Sugida Nabadgelyada Degaankaasi Waxaana Haatan Ka Socota Sentarkaasi Dardar Xoogan Oo Kor Loogu Qaadayo Kobcinta Xaalada Nolosha Bulshada Ku Dhaqan Sentarkaasi Buqdhawa Oo Ka Tirsan Degmada Awaare Ee Gobolka Jarar.