Jaaliyaadka DFI oo Wadajir ugu Xusay Magaalada Melbourne Munaasabada Maalintii Dhidibada loo aasay DDSI 15ka Dir.

Melbourne(CN) Jimce30,2014.Taariikhdu markay ahayd 26/01/2014 waxaa magaalada Melbourne ee Australia ka dhacday xaflad si fiican loosoo aggasimay oo loogu mahad celinayo ururadii iyo jahliyada DDSI kaalinta laxaadka leh ay ka qaatay xafladii HIDAAR 29 ee ka dhacday magaalada Melbourne ee Australia taarikhdu markay ahayd 07/12/2014.

Xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay oo lagu martiqaaday jahliyada DDSI ee Australia iyo waliba qoomiyadaha kale ee Itoobiya,iyadoona ay xafladan daadihinayeen Shafici Hambe .

Waxaa xaflada furtay gudoomiyaha ururka Qurbajoogta Soomaalida Itoobiya ee Australia ee marka la soo gaabiyo la dhaho ESDCA Umal Khayr Dalmar oo aad ugu mahadnaqday jahliyada DSSI ee Australia iyo waliba qomiyadaha kale ee Ethiopia sida quruxda badnayd ee looga soo qaybgalay xafladii HIDAR 29.Waxaa kale oo Gudoomiyuhu ka hadashay u diyaar xaflad soo socota ee Gimboot 20.

Waxaa isna khudbad dhiirigan, guubaabo iyo mahadnaq ka kooban ka jeediyay Gudoomiye ku xigeenka ururka Sheikh Xassan Ibrahim oo ka yimid magaalada Sydney ee State ka NSW.Waxaa isna madasha ka hadlay Yusuf Mahamud Haibe oo si qoto dheer uga hadlay maalinta taarikhiga ah ee Dit 15 oo ah maantii ugu horaysay ee ismaamulka Soomaaliga Itoobiya dhidibada loo taagay. Isla goobtii Xaflada ayaa Jahliyada Soomaalida Itoobiya ee Australia waxay hambalyo iyo bogaadin u direen Dawlad Deegaanka Soomalida Itoobiya iyo dhamaan shacab waynaha DDSI meel kasta oo ay aduunka ka joogaan oo ay ugu hambalyanayaan xuska maalinta Dir 15keda oo astaan u ah Maalintii Dhidibada loo Taagay DDSI.

Madaxdii qowmiyada kale ee Itoobiya ee xaflada ka soo qayb galay ayaa si qiiro ku jirto amaan balaadhan iyo mahadnaq ugu soo jeediyay Jahliyada DDSI ee Australia sida quruxda badnay ee xafladii Hidar 29 ee lagu qabtay magaalada melbourne loo soo abaabulay. Gudoomiyaha ururka Umal Khar waxaay mahadnaq iyo amaan balaadhan u soo jeedinaysaa dhamaan gudiga ururka ee xaflada xafladii 26/1/2014 soo qaban qaabiyay iyo waliba jahliyada DDSI ee ka soo qayb gashay. Waxaa amaan iyo shaaado sharafyo lagu gudoon siiyay listiga hoos ku qoran.

1.Maamulka DSSI.

2.Qunsulka federalka Itoobiya ee Melbourne Mr.Graham Romans

3.Safaada Federalka Itoobiya ee Australia.

4.Xafiiska Qurbojoogta ee DDSI. 5.Tiifiga DDSI- ESTV

6.Websiteka CAKAARANEWS.

7.Qomiyada Tigrega. 8.Qomiyada Hararida 9.Qomiyada Afarta. 10Jahliyada DDSI ee Sydney (NSW) 11Jalida DDSI ee Perth (WA) 12.Kismayo Restaurant oo Melbourne ku taala.

13.Federation Day Care 14.Billan Day Care.

15.Sheikh Hassan Ibrahim.

16.Dirshaye Tasema.

Waxaa isna goobta macluumaad iyo sharaxaad ku saabsan iibsashada Bondska Abbay ka soo jeediyay wakiil ka socda Safaarada Faderalka ee Itoobiya.Wakiilku wuu si fiican sharaxaad uga bixiyay habka loo iibsankaro iyo shurrudaha la xidhiidha.

Ugu dambaynti iyo gunaadka xaflada ayaa waxaa khadka telefonka si toos ah u soo galay waftiga uu hogaaminayay madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo markaa ku sugnaa wadanka dibadiisa.Waftiga ayaa salan kadib mahadnaq balaadhan u soo jeediyay jahliyada DDSI ee Australia.Waftiga ayaa ka war bixiyay horumarka,nabad galyada iyo mamulka suuban ee ka taabo galay DDSI. Dardaaran iyo wacyigalin kadib waxaa la goansaday in wadanka wax walba loo huro lana maalgashado.