DUULIYE ASLI XASAN CABAADE OO TACSI TIIRAANYO LEH U SOO DIRTAY QOYSKII IYO EHELADII UU KA GEERIYOODAY MARXUUM GARAAD MAXAMUUD. MARXUUM GARAAD MAXAMUUD GARAAD DOOL INNAA LILLAAHI WA'INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Minnesota(CT)Anigoo ku hadlaya magacayga iyo ka Jaaliyadda (DDSI) ee Gobolkan (Texas), iyo magaca Guddoomiyaha Jarar ee Gobolka (Minnesota) Mudane Xuseen Faarah, ayaa waxaannu halkan uga soo wada tacsiyadeyneynaa Dawladda Deegaanka Soomaalida Itoobiya iyo dhammaan Shacab-waynaha ka soo wada jeeda (DDSI) ee ku wada nool Dunida Dacalladeeda, siiba haddeynu nahay Eheladii iyo Qaraabadii uu naga wada geeriyooday Marxuum Garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi. Marxuumku Annagoo idil ayuu naga wada geeriyooday, waxaanse Ilaahay (s.w.t.) uga wada baryeynaa inuu ku soo dhaweeyo, kana waraabiyo Jannatul-Firdawsal Aclaa, sabur iyo iimaanna naga wada siiyo dhammaantayo, inshaa'Allaahu Aamiin.

Sidoo kale Waxaanu Si Kal iyoLaab ah ugu Hambalyaynaynaa garaad Kulmiye Garaad maxamed Garaad Dool oonu Hubno in uu Kulmin Doono Cadaalad,Midnimo,Sinaan iyo Muwaafaqo uu ka dhex abuuri Doono Shacabka anagoona Alle uga baryayna in uu ku Garabgalo Xilka Culus anaguna aanu u Hogaansanahay Garab taaganahayna Waligayo.

Ma Dhinte Waa Allaah (s.w.t.). Kullu Nafsin Thaa'iqatul Mawt.