Dr c/rashiid cali (gooni) oo ka soo baxay Dhalaan habaabintii iyo Mala-awaalkii UBBO magaalada Jigjigana Lagu soo Dhaweeyay Kana Digay Dibindaabyada Awr-kiraalayaasha Asmara.

Jigjiga(CN) Axad Feb03,2014. Waxaan la iska Indho Saabikarin in Bilihii ugu danbeeyay ay ka dib markii Cudud ahaan loo Wiiqay Maleeshiyadii UBBO gudahana ay Ciidamada LP ka sifeeyeen in Shaqsiyaadkii Dibadaha ku noolaa ay Garwaaqsadeen Tubta Nabadgalyadaiyo Horumarka Baaxada wayn ee uu ku talaabsatay Xukuumada DDSI.

Qurbajoogtii ku hafatay Beentii UBBO oo Indhahooda ku dheehday farqiga wayn ee u dhaxeeya Itoobiyadii Shalay iyo Itoobiyada Maanta ee Dhamaanba Xuquuqihii Qowmiyadeed Sugtay,islamarkaana ka daadegtay Heerka Yididiilada leh iyo Isbedelada ay Xukuumada DDSI Mudo gaaban ku talaabsatay korna u soo qaaday Meeqaamka ay Soomaalida Itoobiya ku dhex leedahay DFI iyo Caalamkaba ayaa Quus iska soo taagy in uunan Damiirku siinayn in ay wei Dhegaha u sii Raariciyaan Been-quutayaasha UBBO ee Raasamaalka ka dhigtay Iska Horkeenida Shacabka,Marinhabaabinta Bulshada,Gumaadka iyo kudulnoolaanshaha Daadinta Dhiiga Shacabka. B

ilihii la soo dhaaafay ayaa ay ahayd Xiligii ay Xubnihii UBBO ee u joogay Australia kana mid ahaayeen Ina aadan yare iyo Ismaaciil ay Gacmaha ka dhabaandhabteen Hashii Abeerta ahayd ee UBBO shaacana ka qaadeen in ay ku biireen Horumarka,N/galyada iyo Jihada Hogaamineed ee Xukuumada DDSI ay ku hagayso shacabka.

Dhankakale Waxaa uu Maareyaha wakaalada Qurbajoogta uu Xafiiskiisa ku Qaabilay Dr c/rashiid cali (Gooni) oo wakhtiyo badan dhex mukhuursanaa mala-awaalkii iyo Dhalanteedkii ay Dabahilifkii Asmara ee ka dabar go’ay deegaanka ee ay afarta xaaraan quutayaasha qurbaha joogaa ku mada daaliyeen qaarka mid ah bulshada ku dhaqan qurbaha Balse Garwaaqsaday waktixaadirkan in aan Cadceed soo Baxday sacabo lagu qarin karin Xaqiiqduna indhaha hortooda timid ayaa Wada Qoomamaynaya mawjadihii Beenta UBBO.

Hadaba dr c/rashiid cali ( gooni) oo ah aqoon yahay u dhashay deegaanka ayaa waxaa ka daandagiwayday waxyaabaha mala awaalka ah ee ay isku madadaaliyaan afarta quutu daruuriga u tahay ka ganacsiga dhiiga shacabka,ayaa sheegay in uu garwaaqsaday islamarkaana qiray, xaqiiqdu waxay tahay isaga oo yidhi cad ceed soo baxday sacabo laguma qarin karo, horumarka, Adeegyada aasaasiga ah,waxbarashada, caafimadka, Biyaha, Beeraha, xasiloonida iyo maamulka suuban ee ka taabogalay guud ahaan deegaanka 3 sano ee ugu danbaysay wax la qarin karo maaha, waana wax uu gar waaqsan karo qofkasta oo damiir lihi, Dr ayaa sheegay in uu wakhti dheer xubin fir-fircoon siduu isu arkayay ka ahaa Qawlaysatadii dabar go ay ee ubbo fikirkiisa iyo Shaqaduuu qabtayna aaminsan yahay in lagu dhibaateeyay shacabka DDSI ee daryeelka u baahnaa.

Gooni waxaan aaminsanyahay in wax kasta oo jira lagu dhameeyo miiska wadahadalka balse ay Guud ahaan shacabweynaha ka soo jeeda Deegaanka ay Nasiibdaro Ahli ah ku tahay in u nacameeyaan Nin Dhashiisii iyo isaguba Dibadaha ku raaxaysanaya Biishana Dhiiga Shacabka in ay sii daba socdaan Xili Xaqiiqdii Indhaheena Hortooda ay inoogu timid ayuu yidhi. Dr gooni oo hadalkiisa sii wada ayaa sheegay in uu siwayn uga quus qaatay in uu ka sii mid ahaado hadhaagan markii ay bur buriyeen wada hadalkii ay hadhaagu la galayeen xukuumada DDSI iyo JDFI ee lagu qabtay magaalada Nairobi wadanka Kenya taasi oo dan wayn u ahayd hadhaaga haddii uu illahay wakhtigaasi doobada waafajin lahaa, balse markii ay tiiraanyo kala soo noqdeen bur burkii wada hadalkaasi uu ka quustay qofkasta oo wax garad ah ku sii jiridaanka hagaadha in uuna wax jaro ah lahayn.

Sidoo kale waxaa igu kalifay ayuu yidhi in aan ka toobad keeno beentii iyo mala awaalkii ay tahay markaan indhahayga ku arkay horumarka balaadhan ee ka jira deegaanka taasi oo aan ka daawaday TVyada madaxa banaan ESTV iyo shabakadaha wararka ee deegaanka ku waasi oo markasta soo bandhiga wax aan layska idha saabi kari iyo waliba ayuu yidhi socdaaladii uu madaxwaynaha DDSI iyo waftiyo uu hogaaminayaa ku tagi jireen qaarka mid ah gobolada deegaanka kuwaasi oo siwayn ii soo jiitay ayuu yidhi.

Dr Gooni ayaa soo dhaweeyay Wada ay ku Qaateen Sulub iyo Cali Dheere Nabadgalyada iyo Horumarka oo ah wadiiqada ugu Haboon Wakhtixaadirkan Qofkii in uun Caqli leh kana go'an tahay Kor uqaadida Nolosha iyo Sharafta Shacabka DDSI.isagoona uu intaa ku daray in wax lagu farxo ay tahay in Madaxwaynaha DDSI Mudane CMC uu Muujiyay sidii uu ugu hagarbixi lahaa una Midayn lahaa maskaxda iyo Muruqa Guud ahaan Shacabweynaha DDSI meel kasta oo ay ku noolyihiinba looga baahan yahay Guud ahaan Shacabka Deegaanka in ay ku garb istaagaan madaxwaynaha Waajibaadka Umadiisa.