Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wakaalada Dhismaha Hawlaha Biyaha oo Dayactir ku Samaysay Kanaalada Mashruua Galbeedka Godey

Godey(CN) Axad Feb03,2014.Tan Iyo Markii Ay Xukuumada DDSI Ay Ahmiyada Gaarka Ah Siisay Ka Faideysiga Kheyraadka Dihan Ee Degaanka Ayaa Waxaa Isasoo Taraya Hirgelinta Mashaaricaha Waxka Bedelaya Nolosha Bulshada Xoolodhaqato Beeralayda Ah Oo Uu Ka Mid Yahay Dayactirka Kanaalka Galbeedka Godey Ee Beercaano Kaasoo Ay Dayactir Balaadhan Ku Sameynayaan Wakaalada Dhismaha Hawlaha Biyaha Ee DDSI Oo Adeeegsanaysa Aqoonyahanada U Dhashay Degaanka Iyo Qalabka “Machineries” ka Waaweyn Ee Dhanka Dayactirka Oo Ay Wakaaladu Leedahay .

Hadaba Mar Aanu Booqanay Hawlaha Shaqo Ee Dayactirka Kanaalka Galbeedka Godey Ka Socda Ayaan Isla Gobtaasi Kula Kulanay Qaarka Mid Ah Hawlwadeenada Shaqadaasi Ku Hawlan, Waxaanan Waxka Weydiinay Hanaanka Dayactirka Iyo Halka Uu Marayo Mashruucaasi Kanaalka Galbedka Godey. Mareeyaha Dayactirka Kanaalka Galbeedka Godey Iyo Dhisida Kanaalada Beeraha Injineer: C/Fataax Xaaji Cumar Isagoo Sheegay In Guud Ahaanba Ayso Gabagabeeyeen Hawlihii Dayactirka Kanaalka Iyo Dhisida Kanaalada Beeraha Wakhti Dhawna Uu Hawshiisa Bilaabi Doono Isagoo Ku Amaanay Ciidamada Gaarka Ahee Liyupolice Ee DDSI Kaalinta Ay Ka Geysteen Inla Dayactiro Kanaalkaasi .

Sidoo kale Kasakaw Xirfadlayaasha Wakaalada Dhismaha Hawlaha Biyaha Ee DDSI Ee Dayactirka Kanaalkaasi Wada Ayaa Waxaa Sidoo Kale Qayb Laxaadleh Ka Qaatay Ciidamada Gaarka Ah Ee DDSI Liyupolice Rejimintiga 21aad Kadib Markii Ay Tirtireen Kooxda Gabalkeedu Dhacay Ee UBBO Islamarkaana Ay U Jeedsadeen Inay Ka Qaybqataan Dhanka Horumarka Iyadoo Qaarka Tirsan Ciidankaasi Gaarka Ah Intii Ay Ku Sugnayeen Mashrucaasi Bartay Ku Shaqeynta Qalabka “Machineries” Ka Waaweyn Islamarkaana Bulshadooda Ugu Adeegaya .

Iskusoo Wada Duboo Dayactirka Kanaalka Galbeedka Godey Oo Ah Mid Aad U Weyn Ayaa Hanaanka Dayactirka Ay Ugu Sameysay Wakaalada Dhismaha Hawlaha Biyuhu Uu Noqonayaa Mid Si Cad U Muujinaya Awooda Fulineed Ee Wakaalada Taasoo Sahleysa Yagleelida Mashaarico Waaweyn Oo Heer Degaana. Qore: Ciise Cali .