Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Ila-Qosol:- Afmagaalo Dhib Badanaa

Jigjiga(CQ) Nin ayaa ka soo safray mid ka mida Degmooyinka DDSI siday caadadu ahaan jirtayba Dadka baadiyaha ama tuulooyinka ku nool ayaa Magaalooyinka soo gala. Ninkii baa waxuu soo galay magaalda caasimada u ah Deegaanka ee jigjiga islamarkaana ileen Dhama' ayuu ahaaye ku horeeyay Mid ka mida maqaaxiyaha wax laga cuno markuu saldhigayna durba waxaa soo kor istaagay Mudalabkii ama kabalyeerigii Maqaaxida si uu dalabkiisa uga qaado isagoo tiriyay Noocyada Cuntada la hayo walow uu ninkii ka gartay kaliya Sareen oo uu hore ula sii haystay yidhina ii keen Saxan Sareen ah iyo shaah. Qadar yar dabadeed ayaa waxaa soo agfadhiistay ninkale sidii ayaa dalabka meesha yaal loogu tiriyay,waxuu rabay ayuu dalbaday oo ahaa ROOS markii loo keenay Rooskii oo uu dhamaystay cunistii ayuu yidhi biis saaxiib asagoo dooonaya midkale.

Ninkii socotada ahaa oo aan awalba ku qanacsaneyn dSareenka Caanaha leh oo uuku soo kahay Tuuladii kana xishoonaya in uu yiraahdo saaxiib ii sheeg waxaad dalbatay ninka agtiisaa fadhiya magacooda ayaa dhagihiisa ku soo dhaceen (BIIS SAAXIIB) asagoona u haystay magaca Rooska ee uu dalbaday ninkaa kale markaas ayuu intuu u yeedhay yarkii shaqalaha ahaa ku yidhi biis saaxiib, markiiba yarkii Sareenkii oo Caanaysan ayuu la soo booday hortiisana Dhigay, isagoo xishoonaya ayuu cunay Ninkii Socotada ahaa. Ninkii socotada ahaa ayaa Makhaayadaii ka soo baxay asagoo dibirsan oo isla hadlaya kuna tawaawacaya Balaayo Biis ku Tidhaahda Mar Danbe.

Mudo ka dib ayaa uu ninkii galay Riwaayad ay dhigayeen Ilays Band oo ay Dhalinyaradu jeclaysanayeen halmarna ku dhawaaqeen BIIS BIIS BIIS “Balaayo biis kuu oratay mar dambe” .