madaxwaynaha DDSI oo Dib ugu Soo Laabtay Addis-ababa.

Addis-ababa(CakaaraNews) Isniin Feb03,2014.Socdaal Hawleed oo ay Madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo Wafti Wehelinayay kana Mid ahaa wasiirka Xafiiska Horumarinta Reer-Miyiga iyo Xoolaha Mudane C/risaaq Cali Baashe ay ku soo kala bixiyeen Wadamada Ingiriiska iyo Qaar ka mida eeshiya ayaa ka Dib markii ay si fiican usoo Bogteen Hawlihii Shaqo ee ay ku tageen Dib ugu soo laabtay Dalka.

Hadaba Madaxwaynaha DDSI oo wadanka Maleeshiya kala soo xaajooday Hawlo ku saabsan Beerista bariiska,Warshada Sonkorta Dhawaan laga Dhisi Doono Godey iyo Maalgashiga Shirkado Waawayn oo ka Diiwaangashan wadankaasi ayaa Dib ugu soo laabtay Magaalada Addis-ababa.

Madaxwaynaha ayaa ilaa 2bo cisho ku sugan addis-ababa islamarkaana Hawlo iyo shirar la xidhiidha natiijadii socdaalkiisa iyo heshiisyada Maalgashiga Dhanka Horumarka DDSI la yeelanaya DFI laamaheeda kala duduwan.