Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Maamulka Degmada Daroor Ayaa Shaaca kaqaaday inay soo Gabagabeeyeen Qorshihii Biyo ururinta ee Degmada Boqolkiiba Sideetan (100kiiba%80)

Daroor(CN) Isniin Feb03,2014.Mar uu Gudoomiyaha Degmada Daroor Mudane Daad Muuse Geel-Qaad Kormeer Hawleed iyo soo indhaindhayn ugu Baxay Goobaha laga Hirgaliyay Barnaamijka Kaydka Biyaha(Biyo-ururinta) ayaa uu Saxaafada u sheegay in Qorshihii Sanadkan Wixii kaga aadanaa 7dabilood Hirgalintiisu meel aad u fiican marayaan,islamarkaana 100%80 la ebyay inta ka hadhsanana Rubaca 4aad la Dhamaystiri doono.

Dhanka kale Madaxa Xafiiska Khayraadka Biyaha Ee Degmada Daroor Mudane Shiine Maxamed Ayaa saxaafada u Shegay in Degmada Daroor Sanadkan Laga Qodayo Sideed (8) Barkadood taasooy ku baxayso Aduun lacageed Oo Dhan 3milyan Oo Birr kuwaasi Oo hada Sidii loogu talo galay Shaqadii uga Socoto Goobaha laga Qodayo Barkadahan ayna gabogabo marayaan Qaarkood.

Degmada daroor waxay kamid tahay 15kii Degmo Ee ugu Danbeeyay Ee Baarlamaanka DDSI ku Ansixiyay Kalfadhigiisii waxayna Ka Tirsan tahay Gobolka Jarar iyadoona ay si xawli ah uga socdaan hawlo balaadhan iyo dardar xoogan oo dhinaca Horumarka ah.