Wasiirada Gashandhiga itoobiya iyo Soomalia oo heshiis dhanka amiga ah kala Saxeexdey.

 

(Cakaaranews Adisababa) maanta galinkii hore ayaa waxaa heshiis-laba Dhinac dhanka amiga ah kala saxeexday wasiirada-Gaashaandhiga iyo taliyeyaasha ciidamada Labada dal.heshiiiskan ayaa waxaa uu wax aad u weyn ka tari doonaa sugida nabada iyo xasiloonida ee  soomaliya iyo sidii looga saari lahaa wadanka somaliya argagixisada sidoo kale heshiiska waxaa uu wax aad u weyn uu ka tari doonaa in ay labada dal iska kaashadaan sidii ay iskaga caawin lahayeen cadawga, horumarka iyo xasiloonida labada dal, heshiiskan ayaa waxa uu niyad jab aad u weyn uu ku noqonayaa dhamaan horumar-diidka, nabad-diidka iyo argagixisada sida ubbo oo baryahan danbe ku hawla-neyd sidii ay saldhig qarsoondi ah ay uga furan lahayeen nawaaxiga magaalga muqdisho maadama oo ay jiraan wakhtigan xaadirka ah  guryo ay ubbo si shaqsiyan ah uga  gadatey muqdisho.

 

Heshiiskan markii uu dhacayey waxaa goob-joog ka ahaa madaxweynaha DDSI oo ka soo noqdey socdaalkii taarikhiga ahaa islamarkaan wuxuu madaxweyne cabdi maxamuud cumer oo waftigii somaliya uu u sameeyey marti qaad qodo-sharaf  aad u heer sareysey taaso waftiga iyo madax-weynuhu ay yeesheen wada hadal aad muhiim u ahaa oo ku saabsan xasiloonida labada-dal wuxuuna madxweynuhu uu waftiga siiyey warbixin aad u balaadhan oo dhanka horumarka, nabad-galiyada, iyo maamulaka-suuban sidoo kale cilmi aad u baladhan oo ku saabsan micnaha iitoobiyada-cusub wuxuuna ku dhamaadey is-afgarad aad qaali u ah.

 

Heshiiska waxaa Somalia u saxeexay wasiirka gaashaandhiga Mudane GEN Mohamed sheikh Xassan Dhanka Itoobiyana waxaa u saxiixay Siraj Fageysaa oo ah wasiirka difaaca dalka itoopiya waxa uuna ku dhamaadey is fahan aad u sareeya oo raali galiyey labada  dhincba.