Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Wali Ma Booqatay SKY Cafeteria oo Ku Yaal Isgoyska Dalsoor iyo Guriga martida ee Qaryaan Dhoodaan.

Jigjiga(CN) Talaado Feb04,2014.  isbedelada Horumarineed iyo Maalgashiga Deegaanka ee Dhanka Qurbajoogta ayaa maalinba maaalinka ku xiga ku tusaya Dhismayaal iyo Waxyaabo xasri ah oo ay Qurbajoogtu ku soo kordhinayaan Guud ahaan Degmooyinka Deegaanku ka kooban yahay kuwaasoo kor u soo qaaday Bilicda iyo Doonista Bulshada Madadaalada iyo Lugabaxsiga u baahan. Hadaba Waxba yaanan hadalka ku daaline Waxaan Dib u mililicsaday Mar aan Booqday Maanta Sky-Cateria oo si casri ah loo Qalabeeyay diyaarna kuugu yihiin Shaqaale u carbisan Soo dhawaynta Macaamiisha iyo Qancinta Doonistooda loo wada Riyaaqay maalmahan Inaga uun baan Ogayne.

Sky Cafeteria waxaa Magaalada jigjiga ka furtay aniisa ugaas baaruud oo ka Timid Cariga Ingiriiska iyadoona uu Sky Cafeteria yahay Qaybtii 2aad ee ay Deegaanka ka Furto halka magaalada Dh/buurna ay Hore uga sii Furtay oo Dhalinyaradii Garbalibaax Dabaasha u Tegi jiray ay Laasimeen Fadhiga iyo Helida hadba Doonistooda Haday ahaan lahayd Macmacaan kala jaad jaad ah,cabitaano qabow iyo Kulaylba leh,Noocyada Fudud ee Cashooyinka iyo Toortayaasha Aroosyada.

Dulucdu waa waxaa Jigjiga inoogu Yimid Magaalada Jigjiga cafeterigii Casriga ahaa ee aynu Sheeko uun kuwada haynay Adeegyada casriga ah hadbana sidaynu Maqalnay aad ka helayso Nooc kasta oo Madadaaladaada iyo Doonistaada kugu raaligalinaya Kuraas casri ah,cabitaan Nooc kastaba ah,Noocyada Casriga ah ee Cuntooyinka, Toortayaasha Aroosyada iyo Xafladaha iyo waliba waaaaaaaw Humberger,Egg-Burger,Fish-Burger iyo soo booqo adaan Dib danbe uga Baaqan Doonine SKY- CAFETERIA oo lagaaga Furay Magaalada Jigjiga Agagaarka Isgoyska ay iska jaraan wadada Dhanka kaniisada iyo Wadada Tagta Guriga Martida ee Qaryaan Dhoodaan oo alle ha u naxariistee Qayb ku lahaa Hindisihii In Qurbajoogtu Doorkeeda ka qaadato Maalgashiga.

Waxba yaanan hadal kugu daaline SKY Cafeteria Wuxuu kuula Diyaar yahay Adeeg Casri ah,Fadhi aadan Xiise ka dhacayn,Cuntooyinka Fudud oo ah kuwa aad u bogi doonto,Caynba Cayn Sharaabyada kala Duduwan,Humberger Si casri ah loo sameeyay,Toortayaasha Xafladaha iyo waliba shaqaalee loo carbiyay Qancinta iyo soo dhawaynta macaamiisha.

Waxaa Intaa kuu Dheer Xeeldheere ku Takhasusay Siduu kaaga Qoslin lahaa Dhanka Maaweelada Waa Mr Haadi X.

Waan Hubaa Mar Hadaad Booqato in aadan ka xiiso dhacayn Waligaa.