Qurbajoog Ka Soo Jeeda DDSI oo Qalabka Waxsoo-saarka Beeraha Soo Gaadhsiiyay

Qurba-joogtan u dhalatay deegaanka Gaar ahaan Degmoyinka Awbare iyo Danbal oo mudooyinkanba ku sugnaa deegaanka. kulamo lagu qorfaynayay qaabka ay uga qaybqaadanayaan horumarka deegaanka ka taamyeelay la qaaday xukuumada DDSI, islamarkaana booqasho ku tagay degmooyinka awbare iyo danbal, ayaa waxay maanta soo gaadhsiiyeen deegaanka agab loo adeegsanaya dhinaca wax soo saarka beeraha, kuwaa oo ay ka mid yihiin cagaf-cagafyo iyo mushiino loogu talagalay adeegsiga wax soo saarka tabaca beeraha.

Waxaana la geeyay agabkan magaalada lafa ciise ee degmada awbare. Agabkan loogu tala galay adeegsiga wax soo saarka beeraha oo ay ku baxday aduun lacageed oo aad u tiro badan, ayaa waxa uu ka mid yahay agabo hordhac ah, oo ay markii ay qurba joogtani dhawaan yimaadeen deegaanka islamarkaana u kuurgaleen fursadaha maalgashi ee ka jira deegaanka sidoo kalena ay degmooyinka awbare iyo danbal ku tageen socdaal ay ugu sahaminayeen , habka ay kaga qayb qaadanayaan horumarka ka jira degmooyinkaa ayaa waxa ay durbadiiba ka dhabeeyeen balan qaadkoodii ahaa in ay siwayn u maalgashanayaan deegaanka islamarkaana ay xukuumada kala qayb qaadanayaan kor u qaadida koboca-dhaqaalaha iyo dhimista saboolnimada taasi oo marka la hirgaliyo maalgashigani fursado shaqo u abuuridoona muwaadiniin badan.

Haddaba maanta ayay qurba joogtani gaadhsiiyeen magaalada lafa ciise ee degmada awbare agabkaasi waxaana si diiran u soo dhaweeyay masuuliyiinta degmada awbare iyo bulsha qaybaheeda kala duwan ee ku dhaqan magaalada lafa ciise kuwaasi oo dareen farxadeed ku soo dhaweeyay qurba joogtaa iyo abagkaasi ay wadaanba. Gudoomiyaha degmada awbare mudane Rooble cawaale ayaa waxa uu sheegay in ay siwayn u soo dhawaynayaan islamarkaana ku faraxsan yihiin qurba joogtan magaalada lafaciise soo gaadhsiisay agabkan baaxada waynle, sidoo kalena uga mahad celiyay qurba joogtan sida dhakhsaha badan ee ay durba ku dhabeeyeen balan-qaadkii dhawaan uu ahaa ee ay ku sheegayeen in ay maalgashi ku samayndoonaan deegaanka.

gudoomiye ku-xigeenka qurba joogtan u dhalatay degmooyinka awbare iyo danbal marwo khadra dhinbiil ayaa waxay tibaaxday in uu agabkani yahay qaybtii ugu horaysay ee soo gaadha deegaanka islamarkaana ay dhexda ku soo jiraan agab kale oo aad u tiro badani, khadra oo hadalkeeda sii wadata ayaa sheegtay in ay ka danbaysay keenitaanka agabkan markii aan aragnay fursadaha maalgashi ee ka jira deegaanka iyo xukuumada DDSI oo ay ka go’antahay in ay siwayn u tir tirto saboolnimada islamarkaana kor u qaado koboca dhaqaalaha degaanka markaasi ayaa anaguna ka qurba joog ahaan go’aansanay ayay yidhi khadra in aan dhankayaga ka qayb qaadano horumarka sida xawliga ah uga socda deegaanka.

Dhanka kale waxay maanta dhagax dhigeen qurba joogtani dhismayaal ay ka hirgalinayaa iyagu dugsiga sare ee magaalada lafaciise sida library iyo Laboratory, sidoo kale waxa ay dhagax dhigeen dhismayaal ay ku biirinayaan xarunta caafimaada (health center) ee magaalada lafaciise oo ay ugu tala galeen qaybaha qaliinka fudud.

Ugu danbayntii odayaasha iyo waxgaradka magaalada lafaciise oo ka hadlayay dhagax dhigaasi ayaa siwayn u soo dhaweeyay uguna mahad naqay dadaaladan horumarineed ee ku tayashada mudan ee ay muujiyeen qurba joogta u dhaladay degmooyinka awbare iyo danbal.