Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shirkii EPRDF(ehadhig)iyo ururada bahwadaagta ee shanta deegaan ay Soo gabagaboobey

 

Shirkii EPRDF iyo ururad bahwadaagta ah ee dawlad deeganad soomalida,canfarta,beenishaangul,iyo gaambeelaha oo bilaabmay maalinkii shaley ahaa ayaa waxa uu soo gabagaboobey galabta

 

Shirkan oo ay ujeedadiisu ay ahayd sidii loo qiimeyn lahaa heshiiska taakuleynta ee EPRDF iyo ruurada bahwadagta gaar ahaan arimaha xisbiga iyo xiidhiidhka dadweynaha sidoo kale shaqooyinka horumarka iyo maamulka suuban iyo mashaariicda waaweyn ee MDG

 

Shirkan ayaa waxa uu ku dhamaadey jawi aad u heer sareya  oo ku dayasho mudan marka la eego qaab-socodkiisa oo ahaa mid uu si habsami leh  uu ku hogaaminayey shir-gudoonka oo ahaa gudoomiye ku xigeenka uruurka EPRDF ahna risalwasaare ku xigeenka DFI mudane Damaqe Makoonin iyo masuuliyiin kale

Wax uu ku bilaab-may in ay xisbiyadu ay soo jeediyaan wax-qabadkii xisbigooda ee qoshaha 2006 ama 6 bilood ee la soo dhaafay

Xisbiga dimoqraadiga shacabka soomalida ITOPIYA  ayaa wax uu soo dhiga warbixin aad u mihiim ah oo ku saleysneed waxqabad dhab ah oo soo jiidatay dhagaha iyo qalbiga URUURKA EPRDF

Sidan aan dhamaan teen wada ogsoonahay xukumad haatan ka arimisa ddsi  waa xukumad dhabarka u ridatay sidii ay wax la taaban karo uga qaban lahayd baahida dhab-ta ah ee  ka  jirta ddsi oo ay ugu horeyso baahida biyaha,jidadka,caafimaadka,waxbarashada,iyo guud ahaan ba dhimista sabool-nimada

Gabagabad shirkii ayaa waxa la islaqaatay ama DDSI waxa aad loogu amaaney oo gurigu aad ugu qushuucay hormarka xawliga ku socda ee mudada aadka u yar ay xukumada DDSI ku qabatay marka laga eego dhanwalba

Hadaba hadii aan wax aad u yar ka soo qaadano wax-yaabaha aadka logu amaanay amaba  shaqooyin aad mihiim u ah ka qabteen DDSI waxaa kamid ahaa

·      Shaqooyinka dhanka horumarka gaar ahaan biyhaha,jidadka,iyo as-aasida iyo hawlgalinta wakaaladah iyo xafiisyada mihiimka ah ee aan waligeed horey ddsi looga sameyn sida wakaalada dabagalka iyo nashqadeynta w/ jidadka ,xafiiska micro financega,, ha-yada horumarinta somalida Itopiya,xafiiska shirkadaha yaryar iyo kuwa sii yaryar iyo guud ahaanba mashaariicda aadka u waawey sida Garoonka magaalad qabridahare  

·      Nidaamak dib u curashada oo ah  wax aad loo layaabo ah

·      Xidhiidhka dadweynaha dalka oo ay xukumadu noqotay xukumadii abid ugu horeysey ee hoos u dhaadhacdey ilaa iyo hoos heer tuulo islamarkaan la soo kulamay dadka reer miyiga ah iyo sidoo kale waxa ay EPRDF aad ugu amaantay xisbiga uu gudoomiyaha uu ka yahay maxamd rashiid isaaq in uu yahay xisbigii ama xukumadii abid intii uu deeganku  uu jirey  dalka dibadiis shaqo dhab ah ka soo qabtey amaba isku soo xidhay qurba joogta iyo deeganka oo hatan sameyey horumar aad u baladhan

·      Maamuka suuban oo ah mid xukumadu ay sameysey waxqabad aad mihiim u ah oo dhanka horumarka  iyo isku xidhka shacabka ddsi iyo shucuubta kale dalka itopiya

·      Go-aan qaadashada iyo isku kalsooninda maamuka oo leh fikir ah waa  in aan wax qabsanaa inagoon cid kale ka sugin wax qabad

·      Nidaamka xoolo dhaqatada beera leynimada iyo dib u dajinta

·      Nabd-galiyad oo aad loogu amaney gar-ahaan sida  xukumada manta ddsi ka jirta oo ah xukumadii ugu horeysey ee yeelata  awood iyo karti ay ku hanato nabad-galiyad, amniga iyo xasiloonida  guud ahaanba DDSI

·      Hal abuurnimo aad qaali u ah oo ay u adeegsadeen dhanka horumarka,nabad-galiyad,maamulka suuban

·      Isku xidhka shacabka DDSI iyo shacabka deegaanadkale ee ITOPIYA gaar ahaan abuurida dareenka wadaninimo ee ddsi iyo in ay xukumadani ay noqotey midii ugu horeysey ee shacabaka ddsi si dhab ah u fahansiisay farqiga u dhaxeeyaha ITOPIYADII shalay iyo ITOPIYAD  manta ama itopiyad cusub iyo in shacabka ddsi uu xaquuqdiisa ku raadsado itopiyaanimadiisa

·      Waxaa si gaar ah logu amaaney si ay u qabsoontay xuskii maalintii qoomiyadah ee shucuubta dadyowga reer itoopiya iyo sida ay  u soo bandhigen munaasibad maalinkas

Hadba wax ay arintani ay tusaale dhab ah u tahay in cidii muujisa ama la timaada wax qabad dhab ah in aana maraba laga dafiri Karin amaba aan la qarin Karin marka uu isbadalka wax qabadku uu sidan oo kale uu noqdo waayo waxa hubaal ah in ddsi ay qabatay wax qabad dhab ah waxaa kale oo dhab ah in ay wax qabadka ddsi ay dhamaan shacabak ddsi iyo qurba joogta ddsi iyo dawlad dhaxe ay ka marag kacdey tussle dhaman xafiisyad ay khuseyso ooo dhan wey kasiman yihiin tussle RISLA WASAARAHA dawlad fadaralka mudane HAYLAMARYAM DASALEY sida uu ku sheegey qudbadiisii habeenkii KALI iyo sidoo kal;e khud-badiisii xafladii maalinkii qoomiyadah ee hidhar 29 taaso oo uu ku sheegey horumarka xawliga ku socda , maamulka suuban iyo sida ay xukumad haatan ka arimisa ddsi ay u hantay amniga ddsi sidoo kale wax xusid mudan abaal- mariniitii dhanka wax qabadka ee uu golaha fadareeshinku uu siiyey maamulka ddsi, sidoo kale waxaa mudan xusid abaalmarinta ciidamad difaaca qaranka dalka itopiya ay siiyeen dds

 

Dhanka kale markaan eegno wax hubaaal ah in shaqooyinka iyo baahid shacabka ddsi  uu yahay mid aad u weyn oo u baahan in maamulak iyo shacbkuba ay iskaashi muujiyaan islamarkan waxaa xukumad looga baahan yahay in ay sii xoojiso wax qabadka dhanaka horumrka  garaar ahaan dhanka biyaha iyo jidadka

Guud ahaanba shirkan manta ayaa wax uu muujinayaa ama uu ka turjumayaa in xukumada ddsi ay u talo ama ay sugeyso wax qabad aad u balaadhan oo looga fadhiyao maamulada ddsi heerarkisa kala duwan

Ugu danbey manta galinkii danbe mar uu wariyaha cakaaranews uu wax ka weydiiyey  a masuuliyiintii xisbiga ee shirka ku jirtey ayaa wax uu sheegey in ay jiri doonto qiimeyn lagu sameyn doono dhaman shaqooyinka xisbiga iyo xukumada ba taaso cidii si dhab ah wax u qabtay ay heli doonto abaalmarin dhanka kalena cidii ku guul dareysatey gudashad waajibadkisa in laga qaadi doono talaabada ku haboon qiimeyntaas oo la qaban done wakhtiga aad ka u dhaw ee nagu soo aadan