Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Tababar Ku Saabsan Abuurida Ilo-Dhaqaale Qaar ka Mida Haweenka oo La Soo Gabagabeeyay.

Jigjiga(CN) Arbaco Feb05,2014.Qorshayaasha Kobaca Dhaqaale ee DFI iyo Xukuumada ee Ku aadan sidii Kor Loogu Qaadi Lahaa Loona Xoojinlahaa Awooda Dhaqaalaha Ee Haweenka Ku Dhaqan Guud Ahaan Dalka Iyo Gaar Ahaan Degaanka Ayaa si looga Gungaadho uu xafiiska Arimaha Haweenka,Dhalaanka iyo Caruurta DDSI oo kaashanaya Dhigiisa Heer Federaal iyo Midowga Yurub ay Tababar wadajir ugu Qabteen Qaar ka mida Haweenka DDSI si loogu Abuuro Xirfado loogu Abuuro Ilo-dhaqaale ay ku dabaraan Noloshooda.

Hadaba Tobabarkani Oo Ay Ujeedadiisu Ahayd sidii Ay Haweenka Danyarta Ah Dhaqaale Loogu Abuuri lahaa Islamarkaana Ay Uga Bixi Lahayeen Dulsaarnimada si ay u Gaadhaan Iskufilnaansha Dhaqaale. Tababarkan Oo Socday Mudo Sadex-bilood Ah Ayaa Waxaa Ka Faideystanayey 100 Haween Ah kuwaasoo Laga Soo Kala Xulay 11ka Xafadood Ee ay ka kooban tahay Magaalada Jigjiga. Waxaana Munasibadi Xidhitaanka Tobabarkaasi Kasoo Qaybgalay Wasiirada Arrimaha Haweenka,Caruurta Iyo Dhalinyarada Ee JDFI Marwo: Frinesh Mukriyeh, Wasiir-kuxigeenka Arrimaha Haweenka,Caruurta Iyo Dhalinyarada Ee DDSI Mudane: Rashid Bacdar, Marwo: Bilgeyt Huglan Oo Ka Socotay Ururka Midowga Yurub Iyo Martisharaf Kale .

Ugu Horeyntii Kulankaasi Ayaa Waxaa Ka Hadlay Wasiirku-xigeenka Arrimaha Haweenka,Caruurta Iyo Dhalinyarada Ee DDSI Mudane: Rashid Bacdar Isagoo Ka Warbixiyey Ujeedoyinka Tobabarkani Sheegayna In Degaanku Ku Hawlanyahay Sidii Haweenka Danyarta Ah Ay Ugu Abuurilahayeen Dhaqaale Islamarkaana Uga Bixilahayeen Dulsaarnimada .

Waxaa Sidoo Kale Madashaasi waxaaKa Hadashay Wasiirada Arrimaha Haweenka,Caruurta Iyo Dhalinyarada Ee JDFI Marwo: Frinesh Mukriyeh Oo Sheegtay Inay Qorshayaasha Hawlaha Horumarineed Ee Dalka Ka Hanaqaaday Ay door fiican Haweenku Ka Geysteen Kuwasoo Heeryadii Saboolnimada Iyo Dulsaarnimadii Dhinaca Dhaqaalaha ay Ku Tiirsanayeen Dhinac Iskaga Tuuray Islamarkaana Guntiga Dhiisha Iskaga Dhigey Sidey Kaalintooda Ooga Qaadanlahayeen Hawlaha Dardargelinta horumarka,maamulka suuban iyo kobaca dhaqaalaha degdega ah.

Dhanka Kale Waxaa iyaguna Geestooda ka hadlay Ardaydii Ka Qalinjabisay Tababrkaasi Iyagoo Sheegay Inay Ku Faraxsanyihiin Tobabarkaasi Iyo Dadaalada Ay Xukuumadu Ugu Jirto Sidii Kor Loogu Qaadilahaa Garaadkooda Aqoneedislamarkaana Balanqaaday Inay Xirfadooda Shaqo Ee Ay Mudadaasi Baranayeen Ay Sdii Loogu Talagalay Ugu Shaqeynayaan .