Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI oo u Diray Tababarayaal ka kooban 3-kooxood Dhamaan 16kii ugu Danbeeyay AnsaxintaDegmooyinka.

Jigjiga(CN) Jimce Feb07,2014. Xafiiska Adeega Shacabka iyo Kobcinta Maamulka DDSI ayaa Waajibaadyadiisa ugu waawayn ay ka mid yihiin Sidii kor loogu qaadi lahaa kartida iyo Xirfadaha Aqoonta Cududa-Ciidanka-Horumarineed ee ka hawl-gala Qaab- dhismeedyada Dawlada Heerarkooda, islamarkaana ku meeleeya Aqoonyahanka iyo Xirfadlayaasha Dhamaanba Qaabdhismeedyada Dawlada ilaa Heer Tuulo.

Sidoo kale Xafiiskan ayaa ka dhaqangaliya hadba habraacyada iyo Barnaamijyada Iswaafajinta Shaqada iyo Shaqaalaha Deegaanka si loo sugo Himilada iyo Qorshayaasha ku wajahan Bixinta Adeeg Hufan oo kaafeeya Baahiyaha Shacabweynaha Deegaanka iyagoona Dhamaanba Heerarka Shaqaalaha Deegaanka u Carbiya Nidaamka Maamulka-Saxar-Tiran, kuna jiheeya hadba wareegtooyinka iyo Horumar-Dimoqraadiyadeed iyo Kobaca-Dhaqaale ee Dalku Hiigsanayo,si loo xaqiijiyo Cudud Ciidan Horumarineed oo hanta hirgalinta iyo ka midhodhalinta Qorshayaasha iyo Hab-raacyada Dhaqan-Dhaqaale,Siyaasadeed iyo Jihooyinka kobaca Dhaqaale ee Qorshayaasha GTP iyo ESPM kuwaasoo ka madax-banaan Danaysi, eex,Musuq iyo Fadhiidnimo Boqonta Qabta ka midhodhalinta isbedelada Xawliga ah iyo ka jawaabista Baahiyaha Nololeed ee Bulshada Deegaanka.taasoo uu xafiisku Guud ahaan Shaqaalaha Deegaanka ilaa heer-tuulo uu Xili kasta u Qabto tababaro kor loogu soo qaadayo aqoontooda iyo Kartida Fulinta Isbedelada laga Filayo Maaamulka Suuban.

Hadaba Xafiiskan ayaa Maanta u Diray Tababarayaaal ka kooban 3 kooxood dhamaanba 16kii Degmo ee 2sano ka hor uu Degmo ahaan u ansaxiyaya Baarlamaanka DDSI kuwaasoo si xawli ah Durba ku soo gaadhaya Geelii ama Degmooyinkii ka Hor Fulay kuwaasoo sida mar uu la sii Dardaarmayay madaxa Xafiiska Adeega Shacabka iyo Maamulka DDSI Mudane Khadar cabdi Ismaaciil uu sheegay ay ujeedada loo diray tahay sidii ay Shaqaalaha ka hawlgala xafiisyada kala duduwan ee 16kan Degmo u siin lahaayeen casharo la xidhiidha Hirgalinta iyo Qawaaniinta xidhmooyinka si loogu carbiyo Qaabdhismeedyada Jihooyinka,Qorshayaasha Horumar-siyaasadeed iyo isbelada Kobaca Dhaqaale ee uu Dalku Hiigsanayo ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirka oo sii watay hadalkiisii ayaa intaa ku daray in Tababartayaashan oo ah TOT (Trainer of Trainees)iyagoo khibrad ka qaadanaya Barnaamijkii Iswaafajinta Shaqada iyo Shaqaalaha(BBR) ee hore looga Fuliyay Degmooyinkii soo jireenka ahaa in ay si buuxda ugu tababaraaan Shaqaalaha 16-kan Degmo sidii ay Fahan-buuxa iyo Aqoon-xirfadeedba ugu heli lahaayeen Xeerarka, Nidaamyada, Habraacyada,heerarka loo marayo iyo Shuruudaha Aqooon ama Xirfad ee looga baahan yahay Muwaadinka yahayna Barnaamijka BBR mid lagu sugayo Xuquuqda Aqoonyahanka Muwaadinka ah taasoo ku xusan Dastuurka DFI in Deegaan kasta Afka Shaqadu yahay Afkeeda ayuu Yidhi wasiirku.