Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Qiimayntii Sectorada Heer Deegaaan oo Maanta Si Rasmi ah Salka Loogu Dhigay(Falaadhii Cirka loo Ganay Cid Walbay Filo).

Jigjiga(CN) Axad-Feb09,2014. waxaa maanta si rasmi ah u Bilaabmatay Qiimayntii Xafiisyada Heer-Deegaan Taasoo loo Qaybiyay 4 Sector oo kala ah 1-Sectorka horumarinta 2-Sectorka Arimaha Bulshada 3-Sectorka Dhaqaalaha iyo SectorkaN N/galyada iyo Cadaalada. Wariyaha Ilqoodhka oo saaka Gaafwareegayay 4ta Hool ee ay ka kala socdeen Qiimaynta 4ta Sector iyo Xafiisyada hoos yimaada ayaa Durba Saaka laga Talaabsaday Qiimaynta Dhawr Xafiis oo ah Kuwa horumarinta iyadoona Qaar ka mida ooda looga Qaaday Dhaliilahooda ku aadan Dhanka waxqabadkii loo idmay u hagarbixidooda islamarkaana hoosta laga xariiqay kuwa u baahan in laga caawiyo Dhanka Capacity-Buildingka iyo kuwa u baahan in meel kale in farta loogu fiiqo maadaama ay gabeen Adeeg-bixin hufan oo ka turjumaysa hirgalinta Qorshayaashii xuuumada ee ka jawaabista baahiyaha aasaasiga ah ee bulshada iyo kobaca dhaqaale. Wariyaha ilqoodhka ayaa soo dhaga-dhageeyay warar sheegaya in xafiisyada Qaar iyo agaasimayaalba ooda loo jabin doono kuwaasoo Boqonta hayay sida la sheegayo taabogalinta isbedelada xawliga ah ee dhanka horumarinta,Kobaca Dhaqaale iyo Maamulka Suuban kuwaasoo lugaha la isugu duwi doono sida uu soo shalwiyay Ilqoodhku Horaa loo yidhi Falaadhi Gilgilasho kaagama Fuqdo.

waxaan meesha ka maqnayn Diiwaanka wayn ee Shaybaadhka Dabagalka xafiiska Madaxwaynaha(Audio-Visual-Tangible"I Tus oo I Taabsii").

waxaa intaa dheer in ilqoodhku uu arkayay saaka Markii masuuliyiin ka mida xafiisyadii la Qiimaynayay ay wadnaha farta ku hayeen xataa gabeen in ay eedaymaha loo soo jeediyay ka bixiyaan jawaab sugan oo lagu qanco.

Isku soo wada soohoo Qiimayntan 4ta Sector ayaa ilaa Beri socon doonta islamarkaana ay Xukuumada ka go'an tahay in si dhab ah loo xaqiijiyo masuuliyiinta Mudan in Hirgalinta Horumarka iyo Kor uqaadida Nolosha Shacabka Deegaanka lagu Aamini karo wixii hada ka danbeeya iyo kuwa badhigantaalida u baahan laguna Shaybaadho Dhamaanba Muwaaqirka Qaab-dhismeedyada dawlada" Weger Ilqoodhka Maan Bareey iyo Maan Bilaal".Halka Xukuumada ay Ushu uga Go'an tahay iyo halka ay Qaataye Qaado Bogta hayay Horumarka ku riyoonayaan.

Ha ka Fogaanina wariyaha Ilqoodhka ayaa Xogo kale inoogu Maqane Falaadhii Cirka loo Ganay Cid walboow Filo.Horaa loo Yidhi Ruqo Ninkii Lahaa Dabada hayo ma Kacdo waa sida ay Xukuumadu halbeega Waxqabadka Heerarka Qaabdhismeedka farta ugu Fiiqday.