Shirkii Qiimaynta Waxqabadka 6dii Bilood Ee degmooyinka Hoos Yimaada gobolka Liibaan Ayaa lagu Qabtay Magaalada Filtu Ee Xarunta Gobolka Liibaan

Filtu(CN) Axad Feb09,2014.Shirkani Oo ay kasoo Qayb galeen Dhamaan Maamulada 6da degmo Ee uu ka kooban yahay Gobolka Liibaan halkaasoo Dhamaanba maamulada 6da Degmo inta Uu socdo shirkan Lagu Qiimayn doono waxqabadkooda iyo heerka ay marayaan Hirgalinta Mashaariicii Horumarineed,Maamulsuuban iyo Bixinta Adeeg Hufan gaar ahaan Dhinacyada, waxbarashada, caafimaadka, Wadooyika, Barnaamijka Dibu-dejinta ka faaiidaysiga Wabiyada iyo Dooxooyinka iyo halka la gaadhsiiyay Mashruuca Kaydka Biyaha ee Biyaha Cirka loogaga faaiidaynayo Shacabka.

Gudoomiyaha Gobolka Liiban Mudane Axmed Aadan Axmed (Axmed Xaaji) Oo hogaaminayay Shirkani Ayaa Sheegay in Diirada lagu Saari doono Qorsheyaasha Horumarineed Ee Uyaalay Degmooyinka Sanadkan 2006da iyo Sidoo kale Adeegyada Bulshada Loo Fidinayo Si Loo gaadho Qorshaha isbadalka KOboca Dhaqaale Ee dalka iyo kan deegaankaba hiigsanayaan 5ta Sano.

Shirkani oo Socon doona Mudo 4maalmood ah Ayaa waxaa lagu Dhagaysan Doonaa Warbixinta Waxqabadka degmooyinka iyadoo Sidoo kalena la Dhigi doono Jihooyinka Horumarineed Ee Rubucyada Soosocda Ee Ay Degmooyinku Fulinayaan.