Munaasabad Ciidanka Qaranka DFI oo ka Dhacday Jigjiga iyo Madaxwaynaha DDSI oo Ka Qayb-galay.

Jigjiga(CN) Isniin Feb10,2014. Waxaa ka dhacday Xarunta Taliska Ciidanka Qaranku ku leeyahay magaalada Jigjiga ee lagu Magacaabo garab-case Munaasabad balaadhan oo ay ka Sakow Madaxda ugu sareeya Ciidamada Qaranka Sida General Abraha Wolde,taliyaha DFI ee Ciidamada itoobiy ee Amisom,taliyayaasha ciidamada Qaranka iyo Saraakiisha Ciidamada waxaa kaloo ka Qaybgalay Munaasabadan Ciidanka Qaranka madaxwaynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar,Kuxigeenada Madaxwaynaha.garaad Kulmiye Garaad Maxamed Garaad Dool oo Safka Hore fadhiyay,Dhamaanba Guurtida Dhaqanka Deegaanka iyo Qaybaha Bushada.

Munaasabadan ayaa lagaga warbixiyay isbedelada balaadhan ee ay Xukuumada DDSI sanadihii ugu danbeeyay ku talaabsatay Dhanka Horumarka,N/galyada,Maamulka Suuban iyo Xidhiidhka Dibadaha taasoo Xukumada Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar lagu amaanay Doorka Qaranimo ee Guud ahaan Shacabka Dal iyo Dibadba ka qaataan hawlaha iyo Siyaasadaha Qaran ee Dalka.

Sidoo kale mar uu Ergayga DFI ee Ciidamada Itoobiya ee Amison ka warbixinayay Doorka ay Dawlada FI iyo Ciidamada Qaranku ka Qaataan sidii salka loogu Dhigi lahaa Dawlad Buuxda Dhinac kastaba oo hanata Dalka Soomaaliya ee aynu Jaarka nahay taasoo naga Go'an in aanu walaalahayo garab ugu Noqono in aanu uga Hilino Alshabaab iyo Argagaxisada Caalamiga ah ee ku Taamaya Sidii Soomaaliya aynaan waligeed lugaheeda isugu taagin.

Mar uu ka hadlayay Ciidamada itoobya ee ku Biiray Amison ayaa uu soo Qaaday in Ciidamada Geesiyiinta Liyuupolice ee DDSI ay Dhamaanba Saldhigyadii iyo Goobahay Deegaanka ka joogeen Ciidanka Qaranku in ay badaleen Dabooleena Dhamaanba Amniga Deegaanka.

Madaxwaynaha ayaa aad uga warbixiyay Gargaarkii iyo Sugida amniga Deegaanka ee ay Ciidanka Qaranku ay waligood Shacabka Deegaanka la garab taagnaayeen islamarkaana si bulshadu u gaadho Horumar ayXabada UBBO ku soo Ridaysay taabogalinta Adeegyada aasaasiga ah iyo Nolo shacabku helaan ay Ciidanka Qaranku naftoodii ku waayeen waana taariikh ay Xukuumada iyo Shacabkeeduba Xusuusan yihiin ayuu yidhi.