Kulan lagu Soo Dhawaynayay Safiirada Cusub ee DFI u Fadhiyi Doonta Wadamada Scandenevianka oo Ka Dhacay Denmark.

Denmark(CN) Arbaco Feb12,2014. sida uu sheegay Wariyaha noo jooga Denmark Mr Moh,Waxaa ka dhacey Caasimada Denmark ee Copenhagen shir ay ka soo qaybgaleen Dhamanba jaaliyadaha DFI islamarkaana lagu soo dhawaynayay safiirada cusub mrs:winishat oo ah safiirada iskaandaneefiyanka u fadhiyi doonta Dalka Itoobiya oo uu wehelinayay HUSSEIN AHMED oo ah qusul ku-xigeenka safarada isweden ee DFI.

SHirkaas oo ay dhamaan jaaliyada DDSI ay hurmuud ka aheyd fir-fircoonina ay ka muujisey Ayaa qodobadii looga hadley waxey kala ahaayeen 1-DHINACA MAALGASHIGA 2-DHINACA IIBSIGA Bondhiga-BIYO XIREENKA ABAY 3-DHINACA QAADASHADA YELLOW KAARKA QURBAJOOGTA 4-IN LA SAMEEYO JAALIYAD MIDEYSA QURBAJOOGTA ITOOBIYA EE KU NOOL DANMARKA 5-WARBIXINTA WADANKU HEERKA UU MARAYO MAANTA. DHamaan qodobadaas ayey safiiradu ka hadashey iyadoona u mahadcelisey jaaliyada itoobiya ee CAASIMADA COPENHAGEN sida diiran ee ay ugu heelan yihiin in ay garab istaagan Hawlaha Qaran iyo la Shaqaynteedaba si ay safiirada cusub waajibaadka loo soo xilsaaray u Gudato.

MRS:WINISHAT waxey ku nuux-nuuxsatey horumarka uu ku talaabsadey deegaanka somaalida itoobiya iyo sidoo kalana isbedelada horumarineed iyo kobaca dhaqaale ee uu Jeexay muhandiskii Aragtida Dheeraa ee Meles zenawi taasoo looga baahan yahay sidii hore looga bartayba in ay ka soo Dhalaalaan kaalinta kaga aadan. Markaa kadibna waxaa la doortey gudi-ku-meelgaadh ah oo soo diyaariya xeer hoosaadkii jaaliyada itoobiya.oo ka kooban shan xubnood,xubnahaasna jaaliyada DDSI waxey ka heshay Laba xubnood oo kala ah 1-Axmed DhaqaneIYO 2- Marwo MUNA Xaaji Muxumed Gaas Cabeeye.

isku soo wada duuboo kulankan ayaa jawi wanaagsan iyo farxad lagu wada dhaanteeyay al-abuuradii Axmed Budul lagu Wada sarakacay.