Xuska Maalinka XDSHSI Hawaarto



 

      

Shir Lagu Qiimaynayay Dibuhabaynta Waxqabadka 9ka Isbitaal ee DDSI ka Jira ayaa Lagu Soo Gabagabeeyay Hoolka Shirarka Kara-mara Hospital.

Jigjiga(CN) Arbaco Feb12,2014.Shirkani oo usoo diyaariyey xafiiska cafimaadka ee DDSI ayaa ay kaqaybgaleen xubno ka socday wasaarada cafimaadka ee heer-federal, hay'adaha bah-wadaagta la ah xafiiska cafimaadka DFI iyo DDSI kana mid yihiin Chay,Clinton Foundaion iyo Waaxda Xafiiska Caafimaadka DFI u Qaabilsan Isbitaalada Dr Abaham taasoo shirkan lagu ayaa lagu qiimeynayey 9ka hospital ka hawlgala Xarumaha 9ka Gobol ee degaanka iyadoona shirkan loo qabtay shaqaalaha ka hawlgala isbitaalada degaanka iyo masuuliyinta hospitalada degaanka .

Furitankii shirkaasi ayaa waxaa ka hadlay wasiirkuxigeenka xafiiska cafimaadka DDSI Mudane: C/fataax siciid islamarkaana sheegay in shirku yahay mid lagu qiimeynayo adeegyada-cafimaadka ee ay bixiyaan 9ka isbitaal ee ka jira degaanka iyo waxqabadyada adeeg-fulineed kala duwan ee ay u hayaan bulshada degaanka si loo xaqiijiyo Qorshayaasha Tayaynta Caafimaadka Xukuumada iyo Dibuhabaynta Adeegbixinta tayaysan ee isbitaalada(Hospital- Reform).

Sidoo kale waxaa isna ka hadlay u Qaabilsaaha wasaarada Caafimaadka DFI Dr Abraham oo Sheegay in Nidaamka Dibuhabaynta isbitaalada Xili hore laga hirgaliyay Deegaanada kale Balse Hirgalinta Dibuhabaynta Isbitaalada Deegaanka Soomaalidana uu hada ka socdo Qiimayntanina tahay mid Qorshahan Bilowga ah lagu dardargalinayo Isbitaalda Deegaanka iyadoona Dadaalada ay Isbitaalada ka jira Xarumaha 9ka-Gobolada isuxilqaameen kor u qaadida tayada Adeeg-bixineed ay Tusaale yididiile leh noo muujinayso sida Heerarka waxqabaka Daboolida Baahiyaha iyo Adeeg-bixinta Caafimaadka ee Isbitaalka Dh/buur sida ka muuqata warbixinta Qiimaynta oo ah Heerka Adeeg-bixinta iyo Waaxaha uu ka kooban yahay sidan ku sii socdo ay yididiilo fiican Modelna noqon doono ayuu yidhi waxa iyana ka hadlay Ha'aydaha Deeaqaha bixiya Tilmaamayna in Qiimayntani tahay mid lagu xaqiijinayo Heerka Adeeg-bixinta tayaysan ee 9ka isbitaal u fidiyaan Bulshada DDSI.

Isku Soo Wada Soohoo shirkani oo ah mid sanadkiiba laba jeer lagu qimeeyo isbitaalada Dalka walow Deegaankeena wax aan ka badnayn 3bilood laga Dhaqangaliyay ayaa lagu Dardargaliyaa Adeegbixinta Tayaysan iyo Fayo-dhawrka ee Isbitaaladu siiyaan Bukaan-Socodka,Hooyada,Dhalaanka iyo Bukaanjiifka.