Ila Qosol: Qayladii Waxarta iyo Rikoodhkii

Nin Reer Magaal ahaa ayaa maalin maalmaha ka mid ah u baqoolay dhanka miyiga si uu reerkooda oo xoolo-dhaqato ahaa ula soo joogo xiliga fasaxa kana soo caano dhamo waxaase ku adkaatay dabeecadaha miyiga oo uunan hore u arag sida xoolo raacida,sahanka iyo aroorinta xoolaha balse waxaa uu aad soo jiidatay Ciyaar Gudka Cado-loolka fiidkii ay dhalinyaradu isugu yimaadaan.

xiligii uu damcay in uu dib ugu noqdo dhankii magaalada ayaa hadiyadaha ugu qaalisan ee dadka reer-miyigu bixiyaan loo sii xambaariyay kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Subag,Malab,Hohob,oodkac iyo waxar yar oo ay dhashay Ri' ay Reerku aad u jeclaayeen.

Ninkii ayaa markii uu Magaalada soo galay Waxartii afafaafka Gurigii uu daganaa ku xidhay balse habeenkii aad loo wada dhibsaday Qaylada Waxarta oo aan habeenkii afka isku darin ninkii ayaa markuu ka seexan waayay Qaylada waxarta dhawr jeerna inta u tegay yidhi maad seexatid ayaa markii danbe Dhako Reer-Magaal keenay isagoona si uu uga nasto Qaylada Ri'da inta uu Rikoodh Cajalad galiyay hor Dhigay waxartii kkkkkkkkkkkkkkkk Markii ay Waxartii Rikoodh Shidan la hor dhigay ayaaba ugu danbaysay Qayladiikkkkkkkk